Gudiga Madax banaan waxaan heynaa cadeymo kale oo ku aadan Xasan Surato (Dhageyso)

October 30, 2012 - Written by

Idaacada VOA ayaa caawa sii deysay barnaamij ay ka diyaarisay dilkii Dr.Ahmed xaji C/raxamaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari bishii December ee sannadkii 2011-ka waxaana dilkaas fuliyey kooxaha Amniyaadka ee Ururka Al-Shabaab sida ay soo bandhigeen gudi madax banaan oo loo xilsaaray in ay soo baaraan cida dishay Sh Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan

Gudiga baaritanka ayaa soo dhigay kuna faafiyey Mareegaha internetka qiraal iyo Masawiro waxaan qiraalka ka muuqda dhalinyaro si cad u faahfaahineysa qaabkii loo dilay sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan  iyo xilka  uu Xasan Surato ka hayey Ururka  Al-Shabaab.

Mid ka mid ah gudiga madaxa banaan oo wareysi siiyey idaacada VOA ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey qaabka ay gudiga howsha u guteen iyo cida u xilsaartay,gudiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Eheladi Sheekh Dr Ahmed ,culumo ,iyo khubaro.

Hoos ka Dhageyso wareysiga mid ka mid ah gudiga madax banaan oo wareysi siiyey idaacada VOA oo magaciisa ay idaacadu qarisay xaalad amni owgeed. [audio:https://halgan.net/Mp3/gudi.mp3] ama Halkan MP3

Dhanka kale waxaa Idaacad VOA ay wareysi ka qaaday Xasan Jaamac Xasan “Xasan Surato” oo ahaa madax amniyaadka ee deegaanada Puntland wuxuuna qirtay in 7 bilood uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uuna markii danbe ka soo dhoofay magaalada Hargeysa .

Ehelka Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan iyo dhamaan culumada ku nool Puntland iyo wiliba dhalinta saxwada ee magaalada Garoowe wey yaqaanaan wax uu yahay  Xasan surto iyo in uu ka baxsaday Garoowe markii lagu ogaaday in uu yahay madaxa Amniyaadka ee Puntland

Gudiga madaxa banaan ayaa waxay u balan qaadeen Xasan Surato in ay ka bixin doonaan Tikidka si cadaalada iyo Sharciga alle loogu kala baxo ee bal ha yimaado magaalad Garoowe oo ay ku sugan yihiin Ehelkiisa hadii uu wax danbi ah lahayn.waxaa kale oo ay gudiga si cad u sheegeen in ay hayaan cadeymo kale oo lala xiriirinayo Xasan Surato .

Warbaahinta ku hadasha magaca Ururka Al-Shabaab ayaa waxay rabaan in ay ka raad gataan dilka Sheekh Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan iyaga oo qeyb weyn ku lahaa dilka Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan ka dib markii ay ka faafiyeen beeno badan oo ay ka mid tahay in uu lacag zako ah u gurayey Maamulka ay u yaqaanaan (Maamulka Ridada ama Gaalada ee uu madaxa ka yahay C/raxmaan faroole ) si lacagtaas la guray lagula dagaalmo Faraca Ururka Al-Shabaab ee Puntland oo markaas madaxa u ahaa Maxamed Saciid Atam .hadaba maxay tahay xukunka cida lacagta u gurta Maamul ay Shabaab u yaqaaan Maamul Rido ?Waxaa kale oo ay ku faafiyeen mareegahooda in culumada Ictisaam loo diro kooxaha amniyaadka .ka dib markii ay gaalo raaceeen ,Waxaana xusid mudan in Dr Ahmed uu ka mid ahaa Lajna Sharciya ee Ururka Al-Ictisaam.

Hoos ka Dhageyso wareysiga Xasan Surato oo iska fogeeyey eedeeyn ka timid gudiga gacanta ku haya kiiiska Dr ahmed Xaji C/raxmaan.  [audio:https://halgan.net/Mp3/surato.mp3]ama Halkan Mp3

Halgan.net
Codka VOA

21 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc: aadbaan ugu farxay war bixintan dadkii kaqaybqaatayna waxaan lee yahay jazaakumullaahu khayr, waxaan kaloo lee yahay khawaarijta waa lasoo qab qaban doonaa insha allaah inta dhiman waxaan rajaynayaa inaan tv kadaawan doono iyagoo diinta illaahay lagu xukumay oo la tooganayo ilaa shaydaanka ugu wayan ina godane

  2. Ina surato Ilaahay ku soo qabay muxuu dhiig muslin cabbay. Waxa uu la bukooday muslimiintii uu xasuuqay oo dhiigooda ina Godane ugu dhawaaday!. Ilaahay xanuun adoo nool kaa hadliya kugu rid oo aad ku sheegtid intaad shirqooshay iyo hungurigaad mid walba ku cuntay. Ilaahaow balaayo gaara ka ifi isaga iyo kuwii kale ee ummadda naafeeyay. AAAAMIIIIIN

  3. Asalaamocaleykom wr wbr.waxan add ugu mahad calinaynaa gudiga madaxa banaan sida ay hawsha u daba galeen,Waayo wax waajib inagu ah in la halo mujrimiinta ummadda gumaadaysa ilaa ay u soo dhigtan kuwii dadka kheyrka farayey waa culumada. allah maxaan gacanta kor u taagnay haddan nanhay dadka jecelaa sheekh Axmed xaai raxamtullaahi calehi. alluma laka xamdu.Mar haddii aan aragnay mujrimintii dilka geeystay.Wwaxan kale oo dhageystay labda wareysi, horta waala yaqan qof danbi galay iyo mid aan galin marka ay hadlayan isku mid maahan qofka danbiilha mar walba wax aku jira cabsi wiilka ama ahaa eedaysanayaasha kuwa ugu waaweyn ee xasan surato wale magucu qofka waa ku sifooba ninkan waxa uu qoorta surtay naf muslimadaah haddaan daaciyad ah sheekh ah caalim ah. Ninka xasan surto bal fiiray markii la weydiiyey dayaar ma u tahay in aad tagtid garawe wax uu yiri laba hadal mid waan tagayaa diyaarna waan u ahay kuwa i soo eedayey in aan maxakamd la foolo aam gare ama meel kale maxuu ugu adkeeysan waayey garawe waa amxay meesha kale oo uu sheegayo. xasan allah u toobad keen inta aysna tii alla kuu imaaan haddi aad bari noqotid xid ku haystaa ma leh haddi kale si aan u ogaano mujrimiintii sheekh dilay kaalay oo wax ka shaqee kuna soo biir dhalinta sida tadawoca u shaqeeyey siiba wiilka yar oo dhashay 1994 BAL fiiray dadka la adeegsnayo. waxan ku soo khatimyaa waa ana joogay sacuudiga aya waxa ku batay is qarxinta iyo dilalka waa ay wareertay dowlada boqortooyda. Marka waxa dhacay in ay isugu yeertay culumadii wax aku jiray meeye dadkiii waaweyna waxan aragna dad yar yare, eraygu wax uu aha eyna kubaar naxnu nara suqaar, marka hadda waxa fakan geeysanya wa dad yar yar maskaxdoda ya gashay caqiiqada faasidabal idinka galoa webka la yiraahdo soomaali memo. hadda ayuu maqla qoray ninka la yiraahdo cabdi wali khaliif o uu ugu magacdaray maqalka,Culumadii ictisaamku ma waxay isu badaleen danbi baaris puntland.Wwaxan ka soo qaadnay habaar iyo caayo uu culumadas kun leeyahy kuna yiraahdo duf ka baxa alah ha idin duleeyo runta ana usu sheegne ninkasi haddi uu heli laha awood uu ku dilo culumda ma deyn laha wana dadk iftiimiyo ndilka culumnda ninkas il gaar ah ha lagun hayo wa mujrim xxat akhlaaqdisa ma fiicna waayo wax qor waxan sheeg jhooji caaydawan ku ognahay waxa kugu jira fikir qaloocan alah ha ka soo duwo. urubna waa booxan kuwa fikirkan xambaarsan masaajidadana wa aka booxan allow soo hanuuni dhalintan caqiiqadada ka dhigtay fikir sirgaxan ama qaloocan isma oga wa caqiiqada duu khuysara bin taamiim yani waa fikirkii ninki ku yiri yaa maxamed icdil yani fikir khawaarij runta ana isu shegno wana fikirka lagu dilay dad badan oo uu ku jiri sheekh Axamed xaaji alah yarxam aswr wa billahi towfiiq.

  4. sxb waxan robaa vidioga aad soo gelisay inaad daawado lakin ma mid cusubba mise waa kuwii hore waxan ubaahanahay jawaab inaad isiiso haduu yahay mid cusub waan dawanaya hadii kale waan daawaday waadna mahadsantahay

  5. Ilaah baa mahad leh mar haddii la soo qabtay qaar lana ogaaday qaar kale in aan maanta ummada islaamka ah wixii wax u geysto aysan baxsaneeynin. hassan surato isdhiib oo gar bax baanu ku leenahay wax baad ogtahay walaahi waana laga fahmi karaa warkaaga. shamal

  6. SUBHANALLAAH,BAL AAD UDHAGEYSTA ERAYGA UU KU HADLAYO,ANIGU MA`NOQON KARO KU XIGEENKA GODANE!!!!!! QIIMAHA UULAJOOGO GODANE WEYNANKEEDA ISGAA ISKA SHIFAY.ALLE WAAN BARINAY DR,AHMED DHIIGIISA DHUMAHAYO,ADUUN IYO AAKHIRANA ALLE WUU KA JAASEEN,UMADA ISLAMKA DHIIGEEDA LA DURDURIYAYNA ALLE WAA KA SHIFAY.

  7. Ascw
    Horta Hassan Surato waa mujrim waxaana dhamaantood kashifay ducadii Muslimiinta Allana waxaan ka rajaynayaah inuu kuwaas hoojiyo aduun iyo aakhiraba,waxaa kaloo cad in maamulka Somaliland iyo Alshabaab ay isku xiran yahiin toos oo uu fahmi karo qofkii aad ula socda kooxdaas munxarifiinta ahi siday u dhaqmaan kama soo dhoofin Hassan kaliya ee waxaa ka dhoofa garoomadooda kuwa badan oo amni xumo iyo dilal ka gayastay Somalia inteeda kale,kuwaan reer Puntland maskaxda ayaa laga xaday.
    wswc

  8. Yaa rabi hadalkiisa wax yar markaan dhagaystay ninkaas runtii wuu igu socon wayay sababtoo ah waad iska dareemaysaa in uu wax isku aad aadinayo kalsoonida dhan ayaaba ka maqan khayaano low ma qarsoomo, waxaan aad ooga naxsanhay caruurta yar yarka ah ooy qataleen baxarkana galiyeen marka culimadii wax kale ooga dhigeen ka bacdi… Yaa rabb allow mawjadaha fitanta ah oo isdaba yaal yaal naga samata bixi amiin

  9. Asalama Alaykum dhamaan

    Xasan Surato waa lagu og yahay markaad Garoowe ka carartay ood aaday Xamar,
    khaain baad tahay ee hadaad runsheegaysid tag Garoowe yaanan ticket-na laguu soo diran waa hadad is hubtid,waxaan ka baqayaa intaad tiraahda waan soo baxayaa inaad transit kuunfur nagu dhaaftid,ama ay ayaga ku ku khaarijiyaan saan sir lagaaga helin,however please kaalay Puntland laba maalin gudohood.

  10. war maxaa hadal keeney puntland haka dalbato ninkan dowlada malaysia deg deg ayaaloogu soo gacan gelinayaa , maxaa baryo iyo kalayba looleeyahay jaaliyad puntland emalaysia waain ay ninkan sidii loo sooqaban lahaa kashaqeeyaan

  11. Scw, halgan waan idin salaamay illaah haydinka ajarsiiyo, ninkan surato la dhahaa waa qaatil illaah iyo islaamba ka furtay, hadaladiisa baad ka garataa, xamar wuxuu u joogay inuu amarka ka soo qaato oo boosaaso ku fuliyo, maa la qabsado dadka kale, dhalinyaradii maskaxda laga xaday oo sidii qalabkii la adeegsaday baa ku sheegay, meel aad ku fakanayso ma lah, aduunkana dhulka ciriiri buu kaaga dhigin aakhirana cadaab insha allaah, wixii soo abaabulay iyo intii fulisay waa in la dilaa

    • Assalaamu calaykum
      inta akhyaartu sheegtay waxaan ku dari lahaa Xasan surato waa nin reer Garoowe ah aadna looga yaqaan 2006 dii wuxuu aadey maxkamadihii xamar wuxuu na kamid ahaa dhalinyaradii saraakiisha loo tababaray ee xerada gaadiidka muqdisho . kadib burburkii maxkamadaha wuxuu kusoo laabtay Garoowe kadibna shabaabku kama harin oo waxay ku dareen ragooda wuxuuna taas kala mid ahaa dhamaan dhalintii xeradaas ku tababaratay ee puntland ee xeradaas maxkamaduhu ku tabobareen maxay yeelay waxay ahaayeen dhalin xul ah loona tababaray hogaan dhinac walba ah . dhalintaas maanta aqlabkoodu waa hawlwadeenada shabaab gaar ahaan qaybta amniyaatka . intaa kadib culumada , hawlwadeeenada arimaha waxbarashada , dhalinyarada , maamulka , beesha uu kasoo jeedo ee Garoowe dhamaantood waa yaqaanaan xasan surato inuu amniyaatka shabaabka yahay mida kale wuu ka been sheegay mudadii u dhaxaysay markii Garoowe uu ka cararay iyo markuu xajka aaday ugu yaraana waa sanad iyo dhawr bilood. waxaan kusoo gabagabaynayaa qofkii xaqaaiqdaas raba ha waco qof reer Garoowe ah oo kamida qaybaha bulshada een kor ku xusay.
      waxaan kaloo halkaan ku sheegayaa dhamaan dhaliyarada ku lugta leh dilka sheekha ee gudigu faafiyey waa dhalinyaro sida xasan surato loogu yaqaanay inay shabaab ahaayeen qoysaskooda iyo inta taqaanayba waa ku ogaayeen.

  12. Dulmiilowga hadalkiisu waa isdaba maryeeyaaye xasan surato hadalkiisa ayaa sheegay 7 bilood ayaan xamar jamacad ku sugayay markii danbena xamar baan kasoo baxay harhaysaan imid oo aan kasoo dhoofay! xasun surato wuxuu ku dhashay Garowe sidaynu ognahay marka xasanow hal ku xamay ilahay ayaa kusoo bildi saaray hanjabaad iyo hadalna wax kuu tarimayo ogowna dhul sharci ka jiro ayaad joogtaa oo lagala xisabtamayo howshaasna gacantaan ku haynaa waana lagu hayaa boowe hadaad soo qoor dhiibanwayday..wabilaahi towfiiq

  13. Xasan Suratu Ilaahey ka baq 7 bilood baan jaamacad sugayey oo xamar joogay beenta intaas la eg fiiri raggii aad safka kuwada jirteen baa jooga maanta waa Ilaahey mahadii waxaad kaloo tiri ma garanayo dhalinyarada ,dhiiga shiikha hadaad maanta badbaado aakhira ayaadan badbaadeen orood garoowe tag oo maxkamada istaag,Culumadaa ayaaba ku ogaa inaad dhalinyarada ka tirsaneed.kaalay oo tag Garoowe o cadaalada imoow.

  14. Assalaamu Calaykum Waraxmatullah….

    Walaalaha guddiga ah ee kasoo shaqeeyay soo xaqiijinta ragga dhagar qabeyaasha ah ee Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan dileen aad ayay u mahadsanyihiin. Waxaan Allah ka baryayaa inuu soo gacan geliyo kuwii xabbadda ku dhuftay uu u dhintay. Waxaan kaloo odhan lahaa ninka Xassaan Xuseen la yidhaahdo ee jooga Nairobi ee fatwooda markasta in culimada la laayo, waa kii lahaa “القاتل مجاهد والمقتول شهيد” oo ka dhigan culimadan la laynayo ninka dilayaana waa Mujaahid haddaan ku khaldannona waxay yihiin Shuhado. Waa masalo khalad soconaya ah, ee waa in Xassaan Xuseen la horkeenaa caddaaladda ama Nairobi halagu geeyo ama Somalia gudaheeda. Wallee wuu mutaystay ninkan fatwada iska lalinaya isagoo aan u aaboyeelayn isna waa denbiile ee hala soo qabto. Allahna waxaan ka baryayaa in Alshabaab iyo dhamaan wixii taageersanba xaqqa tusiyaa una bayaamiyo. Runahaantiina waxaa jira dad badan oo taageera e Allah bayaanaadkan aad soo saarteen indhohooda haku furo. Axmed Cabdi Godane iyo Cali Dheere iyo kuwa la midka ahna Allah ha horkeeno caddaaladda. Waana la qaban doona maalin uun intay qaadataba. Allahayoow na sug oo XAQQA NAGU SUG… ALLOW NOO SOO FUDUDEE DHAGAR QABAYAASHA HELITAANKOODA.
    Xasan Surato…, Waxaad baratay in laga hadlo VOA inay tahay arrin lagugu cafin karo, haddii aad nin tahay oo aad inna caqiido leedahay imow Garoowe iyo Bosaso oo caddaaladda waajah haddaad run sheegaysid. Allah ayaa mahad leh.
    C/qaadir Xasan Cali

  15. ASCaleykum Xasan Surato illaah SWT ka baq 7 bilood Xamar jamacad ku sugi meyne warkaaga ayaa cadeynaya arinta lagugu sheegey nin daad qaadey xunbo cuskey baad noqotay qofkii warkaaga dhageysta xataa haduusan qaan ahayn waa qoslaya isa soo dhiib 24 saacadood ee socota Boowe aduunka iyo aakhiraba waa lagaaga jaaseen ninka layiraahdo Qaloocow = Godane ayaa kugu xiga waana lasoo qabanayaa insha’allaah sc.

  16. Surato,. Maxaa aduudiay inuu puntland xajka ka aado,. wa isaga dhahaya hargeeysaan marayaa maka dulbooday,. dhagar qabee saasaa lagu yaqanaa,. kolba dhinac buu uboodi markii suaal lawaydiiyo.

  17. ilahay ayaa soo qabtay waxaad arki doontaan ina Godane, oo socda oo isasoo dhiibay ama jahwareeray in aad arki doontaan kuwo kale xataa gacanta ayy kujiraan walina isma oga, ragaas ilaahay ayaa soo banaya, xaqaana dilaacay, xataa hadii aan lahowl galin iyagoo socda ayba inoo imanayaaan, aan in yar samirno maalmo ama bilo kaliyah. lkn w gudiga waxaan ka codsanaynaaaa, dhamaantood in loo qisaaso ragaas kii xataa kulahaaaa talo yar warkooda waad haysaane in shaa allaah si loo badbaadiyo culimada kale ay hada ku daba taagan yihiin oo ay maalinwalba leeyihiiiin waa gaalo ayay la shaqeeyaan, waa Khawaarij walahi waxaan qabaa in culimada ay cadeeyso in ay yihiin KHawarij waayo umada waxaba ubilaami lahaa Mustaqbalka dhow Jihaad khaalis ah, ilahay inta kana lahelaaaaaaaaaa iyagoo socdana ay yimaadaan waan hubaa in ay iman doonaane

  18. mala soo qabto suraato hataa maelisa halaga soo qabto

  19. acw walaal maamulka aad ayuuu oogu mahadsan yahay ilahayan ajir haka siiyo, wax qabadkoodiii iyo sida hufnaata ay kujirto ay wax ubaadheen, ok waa mucjiso mujisadaana waxaa waaye qaxa ayaa dildilaacaya ilahay ayaa soo qabanay dadka sheekh ka danbeeyay dilkiisa,wiilka ahuuba hanjabayaa waxaana ognahay in ay alshabaab soo waceen ayna dhaheen idaacadaha ka radi war wiil yahow khaarajiga ah qiro tiibada halkaas ayaa kugu dhawe waayo? qiraalka dhib ma keeno, ee dhib waxaa keena in aad wax qarisid sida ragii kaa horeeyay wax qiro, jamacad waxba kuu tari mayso ilahay aya ku soo qabtay,DRkana hadii aad moodaysay in uusan rag lahayn ilahaybaa badaiyay muslimiinta, xaqaana ku soo qabtay, walhi hadii aad moodayso alshabaab in ay ku qariyeen iyagaa ku sheegay, alshabaab dhax dooda ayaana laga helay war farabadan qaasatan amniyadka hadii ragioi laga helayan la sheegana waxaa, hakana baadhista, DRka ilahay ha unaxariisteee. ok aniga waxan qabaaaaaaaa, malaysiya, in ay soo dhiibto meel walba oo aad joogtaan waa laidin soo qaban xataaaa in godane, in shaa allaah

  20. maashaa allah waa barnaamij juhdi badan lagu bixiyey saan kadareemeeno ,, gudiga aad beey u diyaarsanyihiin aadne weey iskugu kalsoonyihiin waxaa aad ii cajabisay hadalkii ninka u hadlay gudiga waxuu yiri waxaan diyaar unahay in aan visaha diyaarda uu kusoo raacyo kabixino saan cadaalda u hor istaajino ,,,,taas waxaad kadareemee in eesan aheen hoosha iskaasoo bood, eey tahay hool waqti badan lagaliyey …..alaahey habarkeeyo rag hooshaan waqtiga badan galiyey iyo halhan.net.

Leave a comment

*