Gudigii Ra’iisul W. Gaas U Magacaabay Masiibooyinkii Ka Dhacay Baladweyn oo la kulmay Hay’adaha Samafalka

October 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta shir isugu yimid Gudigii  wasiiro ah oo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali u magaacabay kasoo talo bixinta iyo isku duba ridka gar-gaarka la gaarsiinayo dadka ku waxyeeloobay fatahaaddii ka dhacday magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna Gudigu maanta kulan la qaatay in ka badan 20 Hay’adood  oo isugu jira kuwa caalami ah iyo kuwo ka shaqeeya dalka gudihiisa.

Waxaana kulanka shir gudoomiynayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ahna Gudoomiyaha Gudiga loo xilsaaray arrimaha gargaarka bini’aadannimo ee Beledweyn, in kastoo uu goob joog ka ahaa Reysul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha. waxayna Gudiga iyo Hay’aduhu ka wada hadleen sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii ku wax yeeloobay fatahaadii Webiga Shabelle ee Magaalada Beledweyn.

Ugu horeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa ka warbixiyay xaaladaha ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyn, Wuxuuna mas’uuliyiintii shirka ka soo qeyb-gashay u sheegay in 31-kun qof ay ka soo barakaceen Magaalada iyo hareeraheeda, iyagoona cooshado ka samaystay meel u jirta 3 km  magaalada Beledweyn, Sidoo kale Arri gaaraya ilaa 5-kun  ay ku dhinteen fatahaada islamarkaana waswiirku waxaa uu sheegay in jirto cabsi laga qabo in fatahaada wabiga ay soo gaarto Gobolada Shabellada dhexe iyo Shabeelada hoose.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in dhibaatooyin ay ka dhalankaraan fatahaada ay ka mid yihiin inay ay isku darsamaan biyaha wabiga iyo Musqulihii magaalada ku yaalay taana ay keeni karto cuduro qatar ah sababtoo ah  waxaa suura gal ah iney dadka cabaan biyahaasi.

Mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka ayaa sheegay in qaarkood ay ku leeyhiin xafiisyo magaalada Baladweyn ayna ku diyaariyeen Muqdisho mucaawanooyin kala gadisan, loona baahan yahay in la mideeyo dadaalada la doonayo in lagu samata bixiyo dadka ku wax yeeloobay masiibada ka dhacday Baladweyn, waxayna masuuliyiintii isugu timid shirka isku afgarteen in maalinta Isniinta ah ay Hay’ad waliba soo diyaariso waxa ay ku taakuleyn karto dadkaasi. Iyadoona loo marinayo Gar-gaarka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee dowladda Soomaaliya.

no images were found

Kulanka kadib ayaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre. Wuxuuna warbaahinta u sheegay in  dowladda iyo Hay’adahii kale ee ka soo qeybgalay shirkii maanta isku afgarteen iney sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan gar-gaarkii ay ugu talagaleen dadka ku cayrtoobay fatahaada waxana ka mid ah waxyaalaha ilaa iyo iminka lagu yaboohay Raashin noocyo kala duwan ah , Dhar, Maro-Kaneecooyin, Daawooyin, Maacuuta wax alagu karsada, Cunooyinka lagu  Nafaqeeyo Caruurta, iyo in loo dhiso Musqulo dadka barakacay.

 

>>>DHAMAAD<<<<


Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online