Hadal heynta ugu badan ee deegaanada Puntland yaa leh hubka lagu qabtay Qandala ?

October 19, 2012 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntland oo gacan ka hellay dadweynaha  ku dhaqan degmada Qardala ayaa waxay gacanta ku dhigeen habeen hore  hub fara badan oo iskugu jira lidka  Taangiyada  iyo miinooyin ka meelaha fog fog laga qarxiyo. Masuuliinta dowlada Puntland oo saxaafada habeen hore u soo bandhigay hubkan ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixi yaan cida leh hubkaan iyo gacmaha shisheeya ee ka danbeeya in hub sidaa u badan la soo galiyo Deegaanada Puntland gaar ahaan degaanada bariga fog halkaas oo leh dekkado macmal ah .

Hadal heynta ugu badan ee lagu hayo goobaha lagu shaaheeyo iyo Hotelada waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa ah cida hubka intaas le,g soo galisay Puntland ,cida leh hubka iyo ujeedada loo soo galiyey hubkan iyo haddii ay jiraan hub sidaas oo kale ah oo soo galay Puntland  marka aad la sheekeysato dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hubka loo waday ciidanka Al-shabaab ee Buuraha Golis ku jira dagaalana ay dhexmareen dhowr jeer ciidanka Puntlland.

Dadka qaar kale ayaa kuu sheegaya in nabada ka jirta Puntland ay leedahay cadow badan lana doonayo in la khalkhal galiyo si ay ciidamo ajnabi ah u yimaadaan deegaanada Puntland ,mid ka mid ah odayaasha Boosaaso oo aan wax ka weydiiyey hubka iyo cida leh wuxuuna yiri adeer hubka cida leh waa la yaqaan wax soo sahlayna waa dad daris la ah Puntlland oo xiriir fiican uu ka dhexeeyo kooxo lid ku ah deganaashaha ka jirta Puntlland balse waan naqaan saan u difaacano deegaanadeena.

Taliyaha Ciidanka Badda Dawladda Puntland Admiraal Guuto Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo qaabka hubkan ku soo galay Puntland iyo meesha uu ka yimid wuxuuna ku gaabsaday in ay wadaan baaritaan.

no images were found

Halgan.net oo xiriir la sameysay sarkaal sare oo ka tirsan Puntland ayaa u sheegay Halgan.net in ay wadaan baaritaan wuxuuna kale uu sheegay in hubka ay soo dhiibtay dowlad cadow u ah nabad Puntland balse ay gadaal ka faahfaahin doonaan.

Hoos ka daawo Tv SOMALI CHANNEL oo Muuqaal ahaan u soo tabiyey hubkii ay qabteen ciidanka Puntland.



M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Assallaamu CAleykum wr wbr

    Walaalayaal marka hore waad salaaman tihiin, marka xigga Alle ayaa mahad iska leh, Allahaas oo dadkaas masaakiinta ee deggan deegaankaas puntland ka badbaabiyey dhibaataada uu u geysan lahaa hubka intaa le’eg oo fashilmay.

    Walaalayaal waxaa hubka la qabtay ku jira miinooyinka nooca plastiga ah ee loo yaqaano C4ka kuwaas oo miisaankoodu fudud yahay, qaraxooda iyo waxyeeladooduna eey aad u weyn tahay. Mar labaad illaahay baan ku mahadineynaa, waayo naf badan ayaa ku go’i lahayd haddii hubkaasi uu gacanta u geli lahaa cid dooneysaa iney gebi ahaanba ka takhalusto ummadda soomaliyeed.

    Wabillaahi towfiiq

    Muslim soomaali

Leave a comment

*