Hay’ad Pericheo International oo Deeq Daawo ah gaarsiisay dowlada Puntland

October 11, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee dowlada Puntland munaasabad ay Hay’ad Pericheo International ay ku gudoonsiisay wasaarada caafimaadka ee Puntland deeq daawo ah oo kala duwan waxaana munaasabadaas goobjoog ka ahaa wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame

Hay’ad Pericheo International ayaa waxaa laga leeyahay dalka Talyaaniga waxaana ay maanta gudoonsiisay wasaarada caafimaadka ee Puntland deeq dawo ah oo gaareysa  40 tan waxaana lagu qiyaasay aduun dhan  11 milyan oo doollarka

Wakiilka Hay’ad Pericheo International  Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku wareejiyo deeq daawo ah oo ay Hay’ad Pericheo International ugu talo gashay in lagu caawiyo shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland .

Deeqda daawada ah ee la gudoonsiiyey wasaarada Caafimaadka ee Puntland ayaa waxay ka kooban tahay daawooyinka lagu dabiibo cudurrada dhiig karka, kaadi heysta, sokorta, dhimirka, qalalka, neefta .

Wasiirka caafimaadka ee Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabeen daawooyinka maanta la gudoonsiiyey wasaaradiisa wuxuuna u mahad celiyey Hay’ad Pericheo International .

Wasaarada Caafimaadka ee Puntland ayaa waxay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn ay u muuqato waxqabadkeeda waxaana taas sabab u ah wasiirka caafimaadka oo dadaal badan ku bixiyey in kaalmo kala duwan ay hesho wasaaradiisa.

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online