laba milyan oo Muslimiin ah oo maanta gudanaya tiirka ugu weyn ee Xajka (Daawo)

October 25, 2012 - Written by

Mecca:-ugu yaraan laba milyan oo  Muslimiin caalamka daafihiisa ka kala yimid ayaa maanta gudanaya tiirka ugu weyn ee Xajka.Wafdiga Illaahay ayaa xalay baryey Mina, waxaana ay maanta taagan yihiin buurta Carafa, iyagoo gudanaya tiirka ugu muhiimsan ee Xajka, iyagoo ku dayanaya Nabi Muxamed (SCW) waana dadka ugu badan ee hal meel ku kulma dhamaan caalamka.

Wafdiga ayaa Duhurka iyo Casarka wada tukan doona, iyagoo soo gaabinaya, waxaana ay Carafo ku nagaan doonaan ilaa gabal dhaca galabta, waxaana ay markaas ka dib u ruqaansan doonaan Musdalifa, halkaasoo ay ku tukan doonaan Maqribka iyo Cishaha si wadajir ah.

Istaaga Carafo ayaa ah gudashada tiirka ugu weyn ee Xajka, waxaana halkaas wafdiga looga jeedinayaa Khudbo dhinacyo badan taabanaya oo ku baxaya luuqadda carabiga, waxaana dadku ay yihiin kuwa isku mid ah oo aan kala sareyn, iyadoo dhammaan Muslimiinta halkaas ku sugan ay xiran yihiin dhar isku mid ah, waxaana ay Illaahay ka rajeynayaan inuu qof walba dantiisa u sahlo.

Xajka oo ah tiirka 5-aad ee Islaamka, ayaa sanad walba waxaa isugu yimaada dad ka badan laba milyan, kuwaasoo ka kala yimaada daafaha dunida, waxaana munaasabadan ay tahay midda ugu weyn ee caalamka ka dhacda, iyadoo dhammaan qalabta warbaahinta ay ku mashquulsan yihiin tabinta Xajka.

Dhinaca kale: Muslimiinta kale ee aan nasiibka u helin gudashada Xajka. ayaa waxaa loo jideeyey inay Soomaan, iyadoo Soonkaas uu yahay mid aan khasab aheyn, waxaana guud ahaan Muslimiinta ay Illaahay ka rajeynayaan inuu xaalkooda ka dhigo mid hagaagsan.

Ugu dambeyntii maamulka iyo wariyaasha shabakada Halgan.net waxa ay guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida u rajeynayaan in sanadkan kiisa kale Ilaahay ku gaarsiiyo nabad iyo baraare, iyo in Illaahay dooriyo xaalka ay hadda ku sugan yihiin.

Live u Daawo Xajka

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online