Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

October 1, 2012 - Written by

Baydhabo:-Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa saaka la filayaa in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin safarka uu Madaxweynaha DFS  Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay  ku aadeen magaalada Baydhabo balse waxaa la filayaa in ay kulamo gaar ah la yeelan doonaa Odayaasha dhaqan ee Bay iyo Bakool iyo Saraakiisha ciidanka AMISOM.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa saaka waxaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamo soomaali ah oo sugaya amaanka, socdaalka uu madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay saaka ku aadeen magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay noqonaysaa safarkii ugu horeeyey ilaa intii xilalka loo egmaday.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya Soomaali waxaan magaalada ka baxay ciidankii  Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada, Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan  ciidamo ka  socda Burundi iyo Ugandha.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online