Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Uganda(Masawiro)

October 10, 2012 - Written by

Kampala:-Madaxweynaha JFS  Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musafani iyadoona labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood.
 
Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Uganda ayaa waxa uu ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Kambaala waxaana mas’uuliyiinta ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal.
 
Sidoo kala kulanka ayaa looga hadlay sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socdo dowladda Uganda si ay uga qeyb qaataan howlgalada ka socdo dalka maadaama goballo  badan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
 
Labada Madaxweyne ayaa isku afgarteen in si buuxda la iskala kaashado la dagaalkan maleeshiyada shabaab ee ku biirtay ururka Al-qaacidda.

no images were found


 
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada kambaala ku sugan mudo Sadax Maalin ah halkaas oo uu uga qeyb galayay munaasabadii 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda, waxuuna kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiinti ka qeyb gashay munaasabada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Suldan A. Farahseed
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

1 Comment so far

Leave a comment

  1. waa yaab sidaan u aragno hadaa nahay dhalinta soomaaliyee waa qqalad in nin madax muslimiin ah ooow la soo hishiiyo gaalada kadina la weraro dhulka islaamka waa qalad arintaas

Leave a comment

*