Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho (Masawiro)

October 11, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu soo laabteen dalka ka dib markii ay ka soo qeybgaleen Munaasabad lagu soo dhaweynayey sanad guuradii 50 aad ee ka soo wareegtay markii Dowlada Ugandha ay xurnimda ka qaadatay dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde madax tiro badan oo ka tirsan DFS oo uu horkacayey Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)  ,Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan {Jawaari} iyo Raisulwasaarihii hore Pro.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

 Madaxweynaha JFS  Xasan Sh Maxamuud ayaa mar uu la hadlay Saxaafada waxaa uu kawarbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Ugandha iyo masuuliintii kala duwaneyd ee uu la kulmay waxaana uu sheegay in dhamaan madaxdii uu la kulmay  u muujiyeen taageerada hiil iyo hooba leh.

no images were found

Amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde iyo wadada Makka Al-Mukarama ilaa Villa Soomaaliya ayaa waxaa aad loo adkeeyey amaankeeda waxaa la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo  ka tirsan AMISOM iyo kuwa DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online