Magaalada Jigjiga oo laga furay Machad cusub oo lagu magacaabo Al-Nebras Academic

October 8, 2012 - Written by

Jigjiga:Magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka Soomaalida ayaa lagafuray Mac’had cusub oo lagumagacaabo Al-Nebras academic Waxaa kadhacay magaalada jigjiga ee caasimada Deegaanka soomaalida xaflad lagufuray  Mac’had Cusub oo lagumagacaabo Al-Nibraas(Iftiin) Mac’hadkan ayaa waxaa furay Hay’adda Al-Suna oo utaagan arimaha Dacwada iyo waxbarashada Deegaanka soomaalida Itoobiya.

Al-Nibraas waxaa uu qayb kaqaadan doonaa kor’uqaadida waxbarashada Deegaanka soomaalida gaar ahaan Caasimada Jigjiga.Xafladan oo si heersara ah loosoo abaabulay ayaa waxaa ka soo qayb galay  dhamaan qaybaha kaladuwan ee  bulshada. xafladan oo si aad uheersaraysa loosoo agaasimay ayaa waxaa furfuray Maamulaha Machadkan cusub  Sh.C\nuur Xasan Rashiid(Bashaash) oo aad u faahfaahiyay machadkan iyo muhiimada uu uleeyahay bulshada kudhaqan Deegaanka soomaalida Itoobiya .Waxaa kuxigay oo si aad farxadi ugu dheehan tahay u soo dhoweeyay furida Machadka  C\waasac Maxamad Asnaaje kusimaha Xafiiska waxbarashada magaalada Jigjiga. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii meesha ka hadlay Sh.C\raxmaan Maxamad Xuseen( Nadaara) oo ah madaxa waxbarashada Hay’adda Al-Suna.

no images were found

Machadka Alnibraas ayay waxaa uu xoogasaarayaa barashada luuqada carabiga iyo culuumteeda waxaa kale oo lagu baranayaa luuqada Englishka Axmaariga iyo xisaabta Al-Nibraas ayaa loogu talagalay in uu soo saaro Arday taya’leh oo dhan walba ka dhisan. Machadka Al-Nibraas ayaa noqonya machadkii uhoreeyay ee noociisa ookala ah ee lagafuray Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Mashaa allah hay’ada al suna dadaalada ay wado allaha usiyaadiyo aamiiiiiiiiiiin aamiiiiiiin

  2. Masha Allah tabarakalah ilahaay habarakeeyo juhdiga Iyo dadaalka culimda Iyo ducada Mel kastey joogaan ba.

Leave a comment

*