Maxkamada derajada 1aad ee magaalada Garowe oo dil ku xukuntay muwaadin Yemeni ah

October 23, 2012 - Written by

Garowe:-Maxkamada derajada 1aad ee magaalada Garowe ayaa maanta waxay dil toogasho ah ku xukuntay muwaadin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyey in uu hub sharci daro ah soo galiyey deegaanada Puntland waxaana lagu qabtay isaga iyo dooni hub ah xeebta degmada Xaabo ee gobolka Bari

Eedeysanahan dilka lagu xukumay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saalax Camuudi waana 40 jir qiyaastii .Maxkamada ayaa dhageysatay dacwada ka dhanka ah ninka Yemeniga ah waxayna ku eedeysay in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Qacida uuna hubka u waday kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa buuralayda Golis .

Hubka ay qabteen ciidamada Puntland ayaa waxaa uu ka koobnaa  bastoolado, baasukayaal ,Rumuudka  loo adeegsado qaraxyada iyo waxyaabaha laga sameeyo miinooyinka dhulka lagu aaso .

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland C/kariin Xasan Firdhiye ayaa inta aan xukunka lagu ridin Saalax Camuudi waxaa uu goobta ka akhriyey danbiga lagu heysto Saalax Camuudi waxaana markii danbe xukunka dilka ah ku dhawaaqay Axmed Cabdi Bootaan Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad  ee ciidamada Puntland

Sarkaal ka tirsan ciidanka PIS oo ku sugnaa maxkamada ayaa soo bandhigay qaabka ay u qabteen Saalax Cafiif iyo doontiisa wuxuuna sheegay in ay soo wargaliyeen dadweynaha ku dhaqan degmada Xaabo ee gobolka Bari .

Todobaadkii hore ayaa Ciidanka Badda ee dowladda Puntland oo gacan ka hellay dadweynaha  ku dhaqan degmada Qardala ayaa waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo iskugu jira  lidka  Taangiyada  iyo miinooyinka meelaha fog fog laga qarxiyo.

Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntlland ayaa markii lagu soo wargeliyey in rag  ajnabi ah ay degmada Qardala ku yimaadeen doon ka dibna ay dadweynuhu ay ka shakiyeen  Halkan ka akhriso kana daawo Hubkii ay soo qabteen ciidamada Badda ee Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online