Ogeysiis Bishaaro Kitaab cusub oo laga baranayo cilmiga Sarfiga oo soo baxay

October 27, 2012 - Written by

Dhammaan bahwynta soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana inta jecel barashada cilmiga safriga, waxaa loogu bishaareeynayaa inuu soo baxay Kitaab aad loogu diirsaday loogana faa,iidaystay oo magaciisa la yiraahdo: Al-IIDAAX FII- CILMI-TASRIIF. Kitaabka waxaa qoray aqoonyahan Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo: Shiikh. Maxamuud Shiikh. Xanbali Xaaji C/Suldaan. Kitaabka waxaa daabacday Daarul-fikri Al-carabi. Waxayna ku daabacday joowdada wax lagu daabaco midda ugu qiimaha badan.

Kitaabka wuxuu sheekhu u qoray qaab aad u fudud oo casri ah, qabkaasoo ay la jaanqaaadi karaan cid walba oo doonaysa inay sarfiga barato. (Dhalin iyo dhalinyaro, caamiyo wax garad, cirooliyo curdanba).Intaa waxaa kuu dheere: Kitaabta waxaa si heer sare ah afsoomaali ugu sharxay Sh. C/llaahi Sh. Xanbali, oo maqal iyo muuqaalba ugu duubay masjidka Iqra ee ku yaala magaalada Odense ee wadanka Denmark.

Haddaba Bahda shabakada Halgan.net, waxay sidii looga bartay jeceshahay inay bulshadeeda la wadaagto inay si taxana ah ugu soo gudbiso kitaabkaas qiimaha badan. Kitaabku waa 25 xisadood oo maqal iyo muuqaal ah. Mu,alifka kitaabka iyo Daarul Faaruuq, ayaa waxaa ay shabakadda Halgan.net ku wargaliyeen  inay aad ugu howlan yihiin sidii kitaabkaa loo gaadhsiin lahaa dhammaan dugsiyada iyo macaa-hidda wadanka Soomaaliya.

Wixii Faah-faahin ah ee intaa dheer waxaad kala xiriiri kartaa:

Daarulfaaruuq.

Tel.+ (2)01127969090

e-mail: Daarulfaaruuq@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online