Prof. Cabdiweli Gaas oo soo gaaray Garoowe soona maray deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe

October 24, 2012 - Written by

Garoowe:-Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya  Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka soo kici timay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  ayaa cagta soo mariyay deegaano badan oo u dhexeeya Gaalkacyo iyo Garowe intuusan caasimada Puntland soo gaarin.

Dr Gaas ayaa waxaa ka mid ahaa goobihii uu soo maray Degaanada Bacaadweyn, Burtinle,  Jalam, Kalabayr,  iyo degmooyin kale oo dhawr ah iyadoo dad badan ay iskugu soo bexeen wadadda weyn si ay uga qayb noqdaan soo dhaweynta Xildhibaan Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horayna u ahaan jiray Raysulwasaarahii Dowladii Federaalka Soomaaliya.

no images were found

Degmada Burtinle oo ahayd meeshii ugu xooga badnayd ee lagu soo dhaweeyay Dr.Cabdiweli ayaa loogu sameeyey Xaflad weyn oo soo dhaweyn ah iyadoo ay kasoo qayb galeen dhamaan shacabka masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Burtinle, waxa ayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Cabdi Weli ee Degmada waxaana halkaasi lagu soo bandhigay gabayo buraanburo iyo murti kala duwan oo soo dhaweynta qayb ka ahayd.

Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale markuu soo gaaray magaalada Garoowe waxaa duleedkeeda kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo waxgaradkale iaydoo sidoo kalena uu Xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman faroole halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyey,  mudane cabdi weli, waxa uu sidoo kale gurigiisa kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyadoo ugu dambaynah Dr.Cabdi weli iyo wafdigiisa ay usoo ruqaansadeen dhanka qasriga loogu talagalay martida ee magaalada ku yaala.

Dr Cabdi Weli oo saxaafada shir-saxaafadeed u qabtay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro booqasho uu ku sameynayo gobollada Puntland kaasi oo la xiriira bariidin iyo is xog wareysi waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida loo soo dhaweeyey iyo dhamaan dadkii uu kulanka la qaatay ee sida qalbiga furan uga qayb qaatay soo dhaweyntiisa.

Dr Gaas oo mar la weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo hadalheynta ku saabsan in uu u taaganyahay Musharaxnimada Puntland ama Xisbi sameysanayo ayuu taasi gaashaanka u daruuray.

Dhamaad
Hassan A. Farah

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online