Puntland oo gacanta ku dhigay 8 dabley ah oo wadada u galay Wafdi ka socda Turkiga.

October 2, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka Daraawiishta ee dowllada Puntland ayaa caawa gacanta ku soo dhigay 8 dabley ah oo wadadda u galay oo rasaasna huwiyey wafdi Turki  ah oo ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga dalka Turkiga kuwaas oo ay  horkacayeen wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland kuwaas oo marayey tuulada Daarusalaam oo u dhexeysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn

Shacabka ku dhaqan deegaanka Bacaadweyn ayaa gacan weyn ku siiyey ciidanka amaanka ee Puntland in ay gacanta ku soo dhigaan dableydii wadadda u gashay wafdi wasiiro ah oo ay qaarkood dhaawac yihiin kuwaas oo gaaraya 8 qof.

Wafdigan Turkiga ah ee ka socda hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga Turkiga ayaa balan qaaday in uu mashaariic horumarineed ka fulin doono deegaanada Puntland waxayan ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wafdiga ka socday dalka Turkiya ayaa waxaa horkacayey agaasime goboleedka Geeska Afrika u qaabilsan TIKA Mr.Mustafa Hashim waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in uu gaaray dhaawac fudud kana gaaray lugaha gaar ahaan cirbaha.

Wararkii ugu danbeeyey ee laga helayo Bacaadweyn ayaa sheegaya in wafdiga lagu rasaaseeyey tuulada Daarusalaam oo u dhexeysa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn waxaana is rasaaseynta ku dhintay mid ka mid ah dableyda wadada u galay wafdiga waxaana ku dhaawacmay mid kale waxaana nolol lagu qabtay ilaa 8 dablay ah sida uu saxaafada u sheegay Taliye xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Gen.Muxaydiin Axmed Aw-Muuse .

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamuud Yuusuf Jaamac Tigey ayaa isna ka hadlay weerar lagu qaaciyey wafdiga ka kooban wasiiro oo ku socday Gaalkacyo waxana uu sheegey in raga weerar geystey ay yihiin kuwo ka soo horjeeda horumarka iyo nabada Puntland wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin Burcad.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamuud Yuusuf Jaamac Tigey ayaa wacad ku maray in raga kale ee baxsaday aan laga hari doonin isaga oo sheegay in ciidamada amniga ay ku daba jiraan wuxuuna u mahad celiyey Dr.Saalax  oo ah dhaqtar ka howlgala Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Wafiga ayaa soo si nabad ah ku soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana soo booqaday Cuqaad waxgarad ,iyo Isimo si weyn looga yaqaan gobalka Mudug.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online