Qarax ka dhacay caawa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

October 12, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa goor dhow ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya gaar ahaan xaafada ay soomaalidu degan tahay ee  Islii saddex qarax oo mid ka mid ah lala eegtay gaar1 ay saarnaaayeen ciidan Boolis ah , Qarax ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 3 askari oo uu ku jiro sidda warar hordhac oo soo baxay ay tibaaxayaan taliyihii saldhiga Booliska ee Bangani.

Saddexda Ciidan ee dhaawacu soo gaaray ayaa loo qaaday rug caafimaad oo ku taal magaalada Nairobi iyadoo goobta qaraxu uu ka dhacay ay soo gaareen ciidamo badan oo Boolis ah.

Goob joogayaa la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ilaa 3 qarax la maqlay kuwaas mid ka mid ah lagu weeraray goob dadku ay ku caweeyaan oo ku dhow kaniisadda St Polycarp oo bil ka hor bamgacmeed lagu weeraray,halka mid kale lala eegtay gaari ciidan Boolis uu saarnaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska magaalada Nairobi Moses Nyakwama oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qarax dhacay caawa ay ku dhaawacmeen ilaa 3 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska balse uu dhaawacoodu yahay mid fudud.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online