Ra’iisul wasaaraha DFS Saacid oo Hambalyada Ciida U Diraya Shacabka Soomaaliyeed Iyo Kan Dunida Muslimka.

October 25, 2012 - Written by

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan farxada Ciidul Adxada.

Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda. “Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Dul-Xaj waa in la badiyo Alle ka Cabsiga, lays Cafiyo, lana walaaloobo iyo in umadda Soomaaliyeed ka shaqayso dib u heshiisiin dhab ah dalkeena ka hirgasha” ayuu yiri  Dr. Cabdi Faarax Shire  isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad cusb oo shacabka Soomaaliyeed ay heleen Dowlad Rasmi ah.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u garab istagi lahayeen dowladooda,waxaadna ogaataan inaysan suurta gal ahayn inaan qaadno talaabo lagu xaqiijinayo horumarka dalka hadii aanaan gacan ka helin shacabka Soomaaliyeed sidaas daraadeed, waa inaan awoodiina iyo maskaxdiina isugu geeysaan sidii dalka loo samata bixin lahaa “

Marxaladda maanta dalku marayo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faidaysataan marxalada cusub ee dalku galay waxaana maanta ku faanaynaa in somaaliya leedahay dowlad rasmi ah dalkana intiisa badana laga xoreeyey Alshabaab, sidaas daraadeedna, dowladu tilaabooyinka ugu horaya oo ay qaadayso waa sidii loo xasilin lahaa gobolada dalka loona dhisi lahaa maamulo dadka degan deeganadaas  ay raali ka yihiin, .

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh taas oo dalka ka saarta meesha uu maanta marayo, waxaana ka rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay igu garab siin doonaan aniga iyo Xukuumadayda cusub sidii aan u fulin lahayn waajibaadkeena shaqo.

Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr.
DHAMAAD –

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online