Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo

October 19, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan Maamulka Degmada iyo Gobalka Gaalkacyo iyo dadweyne aad u tiro badan .

Garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Ahmed ayaa saaka waxaa buuxdhaafiyey dadweyne aad u tiro badan iyo masuuliin ka tirsan dowlada Puntland ,siyaasiyeen waxgarad iyo Isimo caan ka ah gobalka Mudug oo uu horkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax .

Dhanka kale ciidamada Daraawiishta ee gobalka Mudug ayaa saaka si weyn u adkeeyey amaanka magaalada Gaalkacyo iyo garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Ahmed waxaana ay u galbiyeen Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Cabdiweli Maxamed Cali Gaas xarunta madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo hadal kooban u jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey ayuu marka hore u mahad celiyey wuxuuna amaanay masuuliinta iyo saraakiisha ku soo dhaweysay magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in uu haatan yahay Xildhibaan matala dowlada Puntland wuxuuna balan qaaday in socdaal kala duwan ku bixin doono gobalada Puntland .

Cod Raisulwasaarihii hore ee DFS iyo  masawirada soo dhaweynta Dr Cabdi weli Maxamed Cali Gaas dib baan idiinka soo dhaweyn doonaa inshalaah .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online