Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Prof Gaas oo la hadlay dadweynaha reer Boosaaso.[Dhagayso]

October 30, 2012 - Written by

Boosaaso:-Waxaa maalintii shalay gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Prof Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyadooo Masuuliyiinta Gobolka Bari , Isimo iyo dadweyne fara badan ay si diiran ugu soo dhaweeyeen, Prof Gaas ayaa waxaa uu la hadlay dadweynaha iyadoo ay saxaafadu ay goob joog ka ahayd waxaan uu ku booriyey in ay ku dadaalaan nabdgelyada iyo in ay ilaaliyaan wadajirkooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee DFS Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  waxaa shalay soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay  Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan , Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland .

Raisulwasaarihii hore ee DFS  Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu isla shalay kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ku yaal magaalada Boosaaso waxaana uu sidoo kale soo booqday  Kulliyadda tababarka booliska Soomaaliyeed oo ku taal degmada Carmo.

Raisulwasaarihii hore ee DFS Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa isimada iyo nabadoonada gobalka Bari isagoo uga warami doono xaalada magaalooyinkii uu safarka ku soo maray  gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Burtinle Garoowe, Qardho iyo Carmo.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Ra’iisulwasaarihii hore DFS Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u jeediyey reer Boosaaso

[audio:https://halgan.net//Mp3/Gaas.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online