Ra’iisul wasaarihii hore ee JFS Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas oo soo gaaray Qardho

October 27, 2012 - Written by

Qardho:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda federaalka Soomaaliya Prof. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa manta gaaray magaalada Qardho kadib markii uu salaada Ciid-u-Adha kutukaday magaalada Garoowe halkaas oo uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey oo dadweynuhu aad u soo dhaweyeen hadalada qiimaha leh.

Prof. C/wali Maxamed Cali ayaa salaada ciid kadib ku booqday Gurigiisa Islaan Ciise Islaan Maxamed salaanta islaanka kadibna usoo amba baxay magaalada Qardho isagoo ku hakaday dhamaan magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya Garowe iyo Qardho iyadoo meelkasta taxnaayeen madaxda, dhalinyarada, haweenka, iyo waxgaradka degmooyinkaas kuna soo dhaweynayeen professor Cabdiweli iyo wafdigiisa sharaf iyo mudnaan.

Prof. Gaas ayaa si aad u balaaran loogu soo dhaweyey magaalada Qardho oo sababtay in uu gaariga ka dago markay dadweynaha faraha badan xireen jidka dheer halkaasna uu lug ku dhexmaray kuna gacan qaaday dhamaantood.

no images were found

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa in uu joogo magaalada Qardho labada beri ee soo socota halkaasna shirar wadatashiya kula yeesho waxgaradka, ururada bulshada iyo odayaasha magaalada. Ra’iisulwasaarihii hore ayaa kadib safarkiisu kuwajihidoona magaalooyinka Boosaaso, Baran, Buuhodle, iyo Qarkale.

Dhamaad

Hassan A. Farah

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online