Raisul wasaarihii hore ee DFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso

October 29, 2012 - Written by

Boosaaso:-Raisulwasaarihii hore ee DFS Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Madax iyo masuuliin ka tirsan maamulka gobolka Bari ayaa si diiran u soo dhaweeyey Dr.Cabdiweli.

Masuuliinta soo dhaweysay Raisulwasaarihii hore ee DFS  Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan , Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland .

Raisulwasaarihii hore ee DFS  Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ku yaal magaalada Boosaaso waxaana uu sidoo kale soo booqday  Kulliyadda tababarka booliska Soomaaliyeed oo ku taal degmada Carmo.

Raisulwasaarihii hore ee DFS Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa isimada iyo nabadoonada gobalka Bari .Dr.Cabdi Weli Gaas ayaa socdaal ku soo maray magaalooyinka Gaalkacyo, Galdogob iyo Burtinle Garoowe, Qardho Boosaaso iyo Carmo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

230,668 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>