R/Wasaarihii Hore JFS Oo Kulan La Qaatay Xooghayaha Guud ee Ururka Islaamka

October 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan Golihiisii wasiirada ayaa kulan la qaatay wafti ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hogaaminayo Xooghayaha Guud ee Ururka Prof: Ekmeledin Ihsanoglu, iyo wafti kale oo ka socday Bangiga Islaamka waxayna ka wada hadleen sidii Ururka Islaamka iyo Bangiga Islaamku kaalin mug leh uga qaadan lahayeen xasilinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ugu Horayntii xooghaya guud ee ururka islaamka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu soo booqdo Muqdisho, waxaana uu sheegay inay ka go’antahay ka Urur ahaan in ay Soomaaliya ka fuliyaan mashariic kala duwan kuwaas oo qaarkood gacanta lagu hayo qaarna dhawaan la bilaabayo waxaana mashaariicdaas ka mid ah qodida ceelasha iyo dib u soo celinta kaabayaashii adeega Bulshada oo bur-buray

no images were found

Sidoo kale Xooghayaha Ururka Islaamka ayaa sheegay in ay xafiiskooda u soo wareejinayaan Soomaaliya horaanta sanadka soo socda si wax looga badalo habsami u socodka mashaaricda kala duwan oo ururku kawada Gudaha Dalka. Waxaa sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka uu gacan mugleh ka gaysanayaa sidii gar-gaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka waxyeeladu kasoo gaartay Fataahadii Wabiga ee Baladweyn.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaarihii Hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay

“ Aaad ayaan ugu faraxsanahay in manata ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho laba wafti oo ka kala Socda Ururka Iskaahiga Ismaaka iyo Banigiga Islaamka waxayna labadaan Urur noo hayaan niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo marta 20 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo muhiimad gaar ah ayeey noo leeyhiin waxayna u yimaadeen inay idhahooda ku arkaan isbadalka ka dhacay dalka oo lagu soo afjaray KMG, kadibna nagala qayb qaataan sidii dalka loogu samayn lahaa dib-u-dhis iyo horumar, waana ku soo dhaweynaynaaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho”

 

>>>DHAMAD<<<

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online