Saxaafadda dalka Danmark oo soo bandhigtay Video ku saabsan Ciraaqiyiin la jir dilayo doodna dhaliyey.[DaawoVideo]

October 19, 2012 - Written by

Copenhagen:-Saxaafada dalka danmark kuwa la iska arko iyo wargeysyada kale duwan ee k a soo baxay Danmarka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aad wax uga qoreen mar kale dhacdo ka dhacday dalka Iraaq xili  dad rayid ah oo Ciraaqiyiin ah oo xad gudubyo  jir dil ah ay u geysanayeen ciidamo Ciraaqiyiin ah iyadoo ay arkayeen ciidanka dalka Danmark ee markaas ku sugnaa dalka Ciraaq.

Dadka rayidka oo xiligaas la qabqabnaya ayaa waxaa loo geystay xadgudubyo ka dhan ah bini aadamka iyadoo eed culus loo soo jeediyey ciidanka Daanishka ah oo xiligaas arkayey markii ay ciidamada Ciraaq ay jir dil u geysanayeen dad rayid ah. Filim-kaan ayaa waxaa la duubay bishii November 2004-dii  xili usbuucaan si rasmi ah ay u soo bandhigeen saxaafada  dalka Danmark gaar ahaan saxaafadda la isla arko iyo wargeysyadda arrinkaas oo muran xooggan dhex dhigay  saraakiil ka tirsan ciidanka Sirdoonka Danmark ee loo yaqaan PET oo iyagu duubay Video-ga iyo Saraakiil Milateriga ee iyagu xiligaas ku sugnaa gudaha dalka Ciraaq oo iyagu markii hore inkiray in uu jiro Video-gaan la soo bandhigay balse hadda qiray iyadoo Madaxda wasaaradda Difaac dalka Danmarka ay sheegeen in ay arrinkaan ay baarayaan.

Shir jaraa’id  oo uu ku qabtay  magaalada Copenhagen nin Looyar ah oo lagu magacaabo Christian Harlang una  doodaya  ilaa 11 Ciraaqiyiin ah oo uu sheegay in la jir dilay  xili ay ciidanka Ciraaq iyo kuwa Daanishka ah ay ku gudo jireen howl galo loogu magacdaray  Green Dessert. Ciidanka Daanishka ayaa waxaa lagu haystaa sababta ay u daawanayeen dadka rayidka ah ee ay jir dilka u geysanayeen ciidamo Ciraaqiyiin ah waxaase ay xiisadu ay ka taagan tahay sababaha ay Saraakiisha Wasaaradda Difaac ay markii hore u diideen in uu jirto wax Video ah oo laga duubay dad rayid ah oo la jir dilayo wallow Sarkaal  u hadlay wasaaradda Difaac uu sheegay in  xogta ay hadda helleen aysan hayn 2004tii.

Madaxii hore ee Sirdoonka  Danmark  Anders Kærgaard ayaa ku dooday in Video-ga saxaafadu loo soo bandhigtay ay tuseen  taliyihii ciidamada deenishka ee dalka Ciraaq ka dagaallamayay sannadkii 2004 wallow uu taliyuhu arrinkaas inkiray markii hore, Wasaaradda Difaac ee dalka Danmarka  iyo Madaxii hore ee ciidanka Sirdoonka dalka Danmarka PET Anders Kærgaard ayaa dood adag u dhexaysaa iyadoo hadda ay marayso in maxkamadu ay dhagaysto dacwada  , Waxaase in la is wiidiiya mudan haddii ciidamo Deenish ah lagu haysto maxaad u daawanyseen dad ciraaqiyiin ah oo ay ku xadgudbayaab Ciidamo Ciraaqi yiin lagan dalbanayo in ay magdhow bixiyaan  yaa Maxkamadanaya ciidamada Ciraaqiyiinta ah ee jir dilka ama xadgudubka u geysanayey shacabkooda  waa su,aal u baahan in la is wiidiiyo balse waxaan jawaabta uga tagey akhristayaasha sharafta badan.

Hoos Ka Daawo Video-ga waan ka xunahay waxaa Filmku waxaa uu ku hadlayaan Afka- Daanishka

Source Jylland Post/dr1.dk
Halgan.net CPH

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online