Afhayeenka Raaskambooni oo ka hadlay sameynta Maamulka J/Hoose (Dhageyso)

October 4, 2012 - Written by

Kismaayo:-Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay baaqyo kala duwan oo ka soo baxayey madaxada DFS kaas oo ku aadan maamul u sameynta gobalada Jubooyinka mar uu wareysi siiyey maanta Laanta Afka Soomaliga ee BBC-da.

Afhayeenka Raaskambooni C/naasir Seeraar ayaa ku gacan-sayray in DFS ay maamul u sameyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu sheegay in dadka deegaanka ay xaq u leeyihiin in ay maamulkooda iyaga soo dhistaan maadaama ay dowlada Soomaaliya ay tahay mid Federaal ah.

Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa mar wax laga weydiiyey hadal ka soo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS Cabdisamad Maxamd,kaas oo ahaa in DFS ay xaq u leedahay soo dhisida Maamulada gobalada ayaa waxaa uu sheegay in wasiirka hadalka uu sheegay uusan sax ahayn waxaana uu ka codsaday madaxda DFS in ay dib u akhriyaan Dastuurka DFS ee uu ansaxiyey Baarlamaanka dowlada Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa maalintii Labaad ka socda Magaalada Nairobi shir looga hadlayo maamul u samaynta gobalka Jubada Hoose kaas oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan DFS iyo siyaasiyiin iyo waxgaard ka soo jeeda gobalada Jubooyinka

Shirka ka socda Maalintii labaad magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Urur goboleedka Igad waxaana shirka marti galisay dowlada Kenya oo haatan ay ciidamo faro badan ka joogaan gobalada Jubada Hoose iyo Gedo.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamd, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka dalka loo dhaafo dowladda Soomaaliya, maadama ay dowlada ay tahay mid rasmi ah.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga BBC -da la yeelatay Afhayeenka Ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/seeraar.mp3]

Cabdi Yare
Halgan.net 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ilaahayow ummadda soomaaliyeed muwaafaqo isku mid ah sii oo kala tafaraaruqa iyo khilaafaadka ka saar.

Leave a comment

*