Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Kismaayo

October 22, 2012 - Written by

Wafdi ka socda Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, wafdigaan ayaa markii uu gaaray magaalada Kismaayo waxaa uu kormeer ku tegay  Dekkada magaalada , Isbitaalka  iyo xarumaha maamulka ee magaalada. Wafdifaan ayaa waxaa uu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya  waxaan  Hay’addaha maanta gaaray Kismaayo ka mid ah Hay,adda WFP, WHO iyo saraakiil dhinaca amaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Ciidanka amaanka ee Raaskaambooni kuwa taageesan DFS iyo Ciidanka Kenya ayaa waxaa lagu arkayey saaka wadooyinka magaalada iyagoo sugayey amaanka wafdiga Qaramada Midoobay ee saaka yimid magaalada waxaan ciidamadu ay baarayeen baabuurta iyo dad weynaha u kala gooshaya xaafadaha magaalada Kismaayo.

Wafdiga Qaramada Midoobaya ayaa waxaa markii ay soo dhamaysteen kormeerkii ay ku tageen  goobaha muhiimka ah ee magaalada waxaa ay kulan gaar ah la qaateen  Saraakiil ka tirsan ciidanka Raaskaambooni , kuwa DFS taageersan  iyo Saraakiil Kenyaan ah, Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu masuuliyiinta ciidamada huwanta ah kala hadlay sidii  dib loogu howl galin lahaa xafiiyada maamulka magaalada  si Hay,addaha gargaarku ay uga howl galaan magaalada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online