Warbaahinta dalka Denmark oo baahisay Nin Qeyb ku lahaa dilkii Sh Anwar al-Awlaki (Daawo)

October 8, 2012 - Written by

Denmark:-Warbaahinta dalka Denmark tan maqal iyo muuqaalka ah iyo wargeysyada dhowr ah oo ugu afka dheer dalka Denmark ayaa aad u faafiyey nin qayb ka ahaa dikii Anwar al-Awlaki  oo ahaa hogaamiyihii ruuxiga ahaa ee ururka weynaha Al-Qacidda ee dalka Yemen oo ay dalka Yemen ku dishay diyaaradaha wax basaasa bishii oktoobar ee sannadkii hore 2011.

Morten Storm oo Muslimiinta dalka Denmark u yaqaaneen Muraad ayaa ahaa nin la shaqeeyey ciidanka nabadsugida dalka Denmark ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PET .Morten Storm ayaa u sheegay wargayska Jyllands-Posten xidhiidha iskaashi oo dhexmaray PET iyo CIA, kaasoo Diyaaradaha dalka Mareykanka ku khaarajiyeen hoggaamiyaha Alqaacida ee Anwar al-Awlaki  waxaana qeyb weyn ka qaatay Morten Storm(Muraad).

Ciidanka nabadsugidda ee dalka Denmark ayaa axaddii soo saaray farriin ay ku sheegayaan,in aysan rabin in ay faahfaahin ka bixiyaan khaarajinta hogaamiyihii Al-Qacida ee dalka Yemen  Anwar al-Awlaki  .Wargayska Jyllands-Posten ayaa  faafiyey  wareysi iyo codad dhexmaray PET CIA iyo Morten Storm (Muraad)  waxaana ka qaatay inta badan saxaafada dalka Denmark.

Morten Storm (Muraad) oo ahaa jaajuus u shaqeeya ciidanka nabadsugida ee dalka Denmark iyo CIA ayaa shegay in soo galay diinta Islaamka 1997 waxaa kale oo warbaahinta ay sheegtay in qeyb weyn ku lahaa soo gudbinta iyo la socoshada halisaha argagixiseed ee ku lidka ah Danmark iyo danaha deenishka ee dalka debeddiisa, iyo weliba xidhiidhka Sh Anwar al-Awlaki  iyo shakhsiyaadka , kooxaha iyo ururrada Danmark ee xidhiidhka la leh argagixisada Al-Qacida sida uu qorey Wargayska Jyllands-Posten .

Warbaahinta ayaa sii deysay sidoo kale wadahadal ku dhexmaray Morten Storm (Muraad) iyo qof ka tirsan CIA oo la yiraahdo ‘Michael’, Hotelka Marienlyst oo ku yaal magaalada  Helsingør waxaana dooda ka muuqday sida uu qeyb weyn ugu lahaa  Morten Storm (Muraad) dabagalka Sh Anwar al-Awlaki

Halkan ka Akhriso Qoraalada iyo wareysiga  Wargayska Jyllands-Posten ka qaaday Morten Storm (Muraad)

Wadahadal ku dhexmaray Morten Storm (Muraad) iyo qof ka tirsan CIA oo la yiraahdo ‘Michael’, Hotelka Marienlyst oo ku yaal magaalada  Helsingør hoos ka Dhageyso


Dadka Muslinka ah ee ku dhaqan dalka Denmark ayaa waxaa la fajeceen Morten Storm  (Muraad) oo sanado badan Muslin iska dhigi jiray waxaana uu guursaday gabdho badan oo Muslin ah oo maanta ka sheegay Tv dalka Denmar in uu ka mid ahaa raga la shaqeeya ciidanka Nabadsugida (PET) ee dalka Denmark waligiisana uusan Noqon Muslin!

Hoos ka Daawo Wareysiga uu Siiyey Morten Storm  (Muraad) Wargayska Jyllands-Posten wuxuuna ka hadlayaa in uu ahaa  6 sano jaajuus u shaqeeya PET

Wargeyska ekstrabladet. ayaa sidoo kale faafiyey Morten Storm  (Muraad Al-Denmarki ) oo ku jira dagaal ay food is dareen ciidamada dalka Yemen iyo Ururka Ansaaru Shareeca oo ka tirsan Urur Weynaha Al-Qacida Hoos ka Daawo

Halkan ka daawo Morten Storm  (Muraad Al-Denmarki oo soo duubay dagaal ka dhexsocda dowlada Yemen iyo Ururka Ansaar al-Shareeca

Saxaafada dalka Denmark ayaa sidoo kale sii deysay Muuqaalo muujinaya Morten Storm  (Muraad Al-Denmarki ) oo ka qeyb qaadanaya Banaanbax ay dhigayaan Muslimiin ku sugan dalka Ingiriiska Hoos ka Daawo

Ma aha markii Ugu Horeysay ee la arko qof mudo badan sheeganayey Muslin oo hadana noqday Agenti la shaqeeya  ciidamada nabadsugida ee wadamada Yurub iyo caalamka  waxaase la yaab leh sida qaar ka mid ah  dadka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya iyo dalka Dibadiisa aysan ula socon qaabka Sirdoonka caalamka ay u shaqeystaan .

Dalka Soomaaliya waxaa soo galay oo ka buuxa kuwa badan oo la mid ah Morten Storm  (Muraad) kuwaas oo dhalinta Soomaaliyeed iyo bulshada Soomaaliyeed aysan aqoon wax ay yihiin, waxaa haboon in dadka soomaaliyeed ay is wiidiiyaan cida laynyasa waxgaradkooda ay ugu horeeyaan culimadooda uuna ugu danbeeyey Sh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan raximuhulaahu iyo Saraakiil badan oo ka mid ahaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliya iyo waxgarad kale oo fara badan.

 

Halgan.net
jyllands-posten.dk

8 Comments so far

Leave a comment

  1. walaalayaal waxaa loo baahanyahay inaan dabaqno xdiiskii nebiga SCW ee aha mu”minka god labo mar lagama wada qaniino,

  2. Wa arin la la yabo shakina kama jiro in ay ku jiran arintas mujahidinta calamka oo dhan

  3. Walee, waa cajiib dumarkii nimanka ajaanibta ah looga taag waayey ee lahaa waxay yaqaniin nolosha walee wax baa hasta yaa idin dhaha is dabo
    qabta oo inta ay dinaan waagu si fiican idiinku beryin oo baadariyaal ay dinaan arlada buux dhaafin, anigu mar horaan iri haduu ku dhashay maka meel kaleba daa midhaa ma aanimo aloow hanagu imtixaamin inta dhibana u gar gaar.

  4. Asc. Wr. Wb.
    Ciidamada ammaanka ee Danmark iyo wadamada kalaba, si ay cidday rabaan u daba galaan una raadsadaan waxay hay,ada qaanuunka ee wadamadaas ka sharciyeeysteen qaanuunoo u ogalaanaya arintaas.
    Haddaba Jaaliyadaha iyo diimaha iyo maraakizta lagu xad gudbay miyayna isticmaali karin qawaankiinada aadka u badan ee xuquuqdooda u ilaalinaya ?

    Anigu khabiir xagga qaanuunka ma ihi, laakiin waxaan hubaa in gabdhihii muslimiinta ahaa ee uu Morten ku guursaday mulim baan ahay, inuu ku xadgudbay caqiidadooda iyo dhaqankooda.
    Qawaaniinka caalamka iyo kan deenishkuna arintaas ma ogola.
    Sidaa daraadeed waxaan ku talin lahaa:
    Inay Aqoonyahanada, Odayaasha, hay’adaha xuquuqda, Howlwadeenada Jaaliyaddaba aysan arintan sahlanin, ee ay waxay ka qaban karaan ka qabtaan.

  5. Asc, wa mahadsan tihiin walalha qoraalka sameeyay, Shaki iigama jiro somaliya inay buux dhafiyeen Muraad oo kale! Lkn urur dhan oo Islami sheeganaya oo taladiisa gacanta u galinaya dad ah “majhuul alsiiirah” wa wax lala yaabo runtii oo ah maamul xumo. Cala iyo kuli xaal caano daatay dabadooda ba laqabtaaye, culumado vidoe gan haka sameya duruusta laga qaadanayo oo la rabo in laga faa,idaysto,wana mahdsntihiin.

  6. Shacabka caadigaa nimankaan diinbey ugu soo dhuuntaan. Jawaasiisna way ka buuxdaa.Waqtigooina waaba iska gabo gabo.

  7. Allaahu akbar cajabayeey, mxaa subax walba war cusub aad arki.
    Gabay carabi ah ayaa macnihiisu wuxuu ahaa ” maalmuhu waxay ku bari doonaan wax aad jaahil ka ahayd, akhbaartana waxaa kuu keeni qof aadanba u dirsnin” taasi waa mid marba marka ka dambeysa usoo cadaaneysa ninkii alle sii nooleeya ee usoo joogey waxyaabo badan oo caalamka islaamka ka dhacaya siiba soomaaliya oo ah saaxada aan ka warramayo, waxaana qof kastoo soomaali ah uu shaahid ka yahay in waxyaabo badan oo dhican loo qaado aan lahayni ka dhacayeen soomaaliya illaa imikana ka socdaan kuwaas oo huwan magaca jihaad, iyo magaca diin, kuwaas oo qofka fidrada sliimka ah xataa isticmaala uu garanayo in waxaasi wax meel la’ yahay oo uusan kollaba liqeynaynin qaababka u dhacayaa…qof ashahaadanaya oo la gawracayo, qof muslim ah oo salaad kasoo baxay oo masjidkii hortiisa lagu khaarijinayo, culimo la laynayo oo la leeyahay dilkoodaa alle loogu dhowaanayaa, bulsho dhan oo boqollaal ah oo bambo iyo qarax la dhexdhigayo iyadoo la leeyahay hal qof ama labo qof baa loo jeedaa , ruux dhaawacmay oo la dhaawac tirayo iyadooo la leeyahay taas maslaxo ahaan ayaa loo yeelayaa, ummado dhan oo muslimiin ah oo la gaaleynayo oo la leeyahay maslaxo ahaan loo yeelayaa,bulshada waxgaradkoodii oo la ugaarsanayo, dadkii samaha fali jirey oo lagu leynayo wax baad faraha kula jirtaa aan loo baahneyn iyo kuwo badan oonan halkaan kusoo koobi karin.

    Hadaba waxaas oo dhami waa waxyaabo qof diin islaam sheeganaya uusan marnaba noloshiisa lasoo baashirin soomaaliya iyo meel kaleba toona waxaana shaki weyn kaa gelayaa waxaan la sheeganayo ee diinta loo nisbeynayo, inbadan oo ummadda cuqaasheeda iyo culimadeeda ka mid ah hore ayaa ay uga taariikheeyeen in afcaashaani oo dhan aysan sal iyo raad ku lahayn dhaqan islaam iyo caqli saliim ah toona oo ay salka ku hayso qorshayaal acdaa’da islaamku soo malleegeen.

    ilaahay kheyr fara badan ha ku abaal mariyee sh axmed c/samed muxaadaraad musalsal oo uu sanadkii hore uu ku faahfaahiyey qaabka ay u shaqeeyaan amniyaatka axmed godane ayaa wax weyn kuu faaiideynaya markaad barbar dhigtid dhacdadan oo kale uu ninkaan danishka ah Morten(muraad) uu ka dhex sameynayo ururka sheegta inay muslimiinta iyagu yihiin halyeeyada waa Alqacidee, illaa uu ku dhiirado inuu sheegto inuu fududeeyey dilkii Anwar Al-cawlaqi ee sanadkii hore.

    Sheekh axmed c/samed ilaah ha dhawree aad ayuu u iftiimiyey in afcaasha argagaxa badan ee ka soo fuleysa alshabaab iyo hogaamiyeyaasheedu yihiin kuwo shaki badan ku gamaamadan yahay, oo aan marnabba loo tiirin karin afcaal islaam, sida qof ashahaadana oo gawrac dhegta loogu jiidayo iyadoo waliba camero lagu duubayo oo kaa darane lasii nashrinayo oo dadyow kale loo sii gudbinayo qofkii mus,limka ahaa oo ashahaadanaya oo la gawracayo, sidoo kale salaadaha ka dib oo lagu ugaarsanayo dadkii jamaacada , iyo sidoo kale in qaadadii Alqacida ee mareykanku inbadan raadinayey kuna jirey hogaanka alshabaab ay si fudud u dhamaadeen oo halhal loo bartilmaameedsaday, iyo xataa in raggii dagaalyahaniintii hore ee alshabaab kusoo biirey ee xasan turki la arkayo iyagoo meyd ah oo aan la garaneyn cid dishey lana leeyahay mid kasta qorigiisii baa ku qarxay, sheekh axmedna isweydiinayo (tolow kuwa kaleba may xabadoodu ku qaraxdo), tusaale fogba ha raadinin 2009kii waxaa baraawe lagu dilay oo dayuuradaha dagaalka ee mareyku si fudud uu weerareen gaari uu ku jirey ninka inta badan uu doondoonayey mareykanku ee saalax cali nabhaan, iyadoo aan laga warqabin cidda soo sheegtay, sidoo kale 2011kii bishii june waxaa si aad u fudud oo shirqool aad ugu eg ku lagu diley ninkii 2aad ee mareykanku doondoonayey muddo 13sano ku dhowaad ah oo ahaa fazul abdullahi, oo ciidamada xoogga dalku goor habeen ah ku dileen xeradii asluubta ex-control ee muqdisho isagoo si fudud uga soo duldhacay koontarool ay ciidamada dawladdu joogeen.
    sidoo kale sanadkaan 2012 dhexdiisii waxaa dhacday 2 hawlgal oo dayuurado aan la garaneyn ay fuliyeen kuwaas oo lagu khaarijiyey sida la sheegay nin lubnaanees ah oo dhalashada ingiriiska haystey oo duleedka muqdisho ka dhacday iyo rag kale oo 3dii habeenimo gaari ay la socdeen lagu duqeeyey duleedka afgooye #50, kuwaas oo ka yimid markaas degmada marka.

    intaasoo dhan kasoo gudb oo waxyaabaha shakiga weyn haddana soo kordhiyey ee lala tacajabey waxay ahayd in ninka la aaminsan yahay inuu soomaali kala gaabiyey oo magaciisa lagu sheegay abu-mansuur al-amriiki sidii uu u joogey uu halmar uun farriin vedio ah oo hal daqiiqo socotey uu soo dhigey, you tube-ka taasoo uu kaga cabanayo in naftiisu khatar ku sugan tahay maadaama ay hogaamiyeyaasha alshabaab iskhilaafeen intaas wixii ka dambeysayna dib dambe aan wax war iyo wacaal looga helin ninkaas iyo rag kale oo la sheegay inay ajnebi ahaayeen, waxaa kusoo xigtey in alshabaab ay 3 nin ku toogteen degmada marka bilihii lasoo dhaafey oo ay ku sheegeen inay jawaasiis u ahaayeen reer galbeedka kana dambeeyeen rag badan oo la khaarijiyey oo dayuurado taargetgareysteen…

    hadaba shacabka soomaaliyeedoow ma garbaa rag iyagiiba sidaas isku daba socda oo midba mid gaadayo oo isdaba guraya ay dhahaan diin alle ayaan u adeegaynaa oo hadh iyo habeen ay cilimadii soomaaliyeed aflegaadeeyaan oo ku calaamadiyaan inay jawaasiis yihiin, hadiibase raggii ugu sareeyey alshabaab sidaas si fudud loogaga wada takhalusay yaa tazkiyeeyey oo nebi daahirey ka dhigay ina godanaha soomaali kala gaabiyey ee cariirtii yaryareyd miinooyinka ku wada xiraya, masaajiddana ku taargetgareysanaya musalliintii jamaacada kusoo takaneysay, ilaah baanse idinku dhaarshaye markaan ka shakiyo nin aan aqaaney oo aan ab iyo isir u garanayo oo la iigu calaamadiyo inuu jaajuus yahay sideen ku aaminaa nin aanan weligey wjigiisa arag, oo haddana sheeganaya inuu amiirkii muslimiinta yahay, ma jinbaan aaminaa maba aqaanee. waxaas oo dhammi waxaa ay kuu faaiideynayaan in soomaali maanta ay khatar gebi ka laadlaadda tahay inta rag aan la aqoon oo dibadaha lagasoo waaridey ay taladooda ku jalabuteynayaan.

    waxaan la yaabaa markaan arko caruur masaakiin ah oo xamaaseysan oo dabka isku daadinaya oo la leeyahay siligyada bambada isku xira oo dad muslimiin ah la leeyahay laaya oo isku qarxiya jannaad gelaysaane, ee waliba cajalado laga soo duubayo, hadal waxaan kusoo koobayaa nin kastow cashar ka qaado ninkaan la leeyahay (muraad) buu la baxay ee soo guursaday gabdhaha badan ee muslimaadka ah ee hadana ay kasoo ifbaxdey waxaan yaabka aduunka ah…inbadan oo gabdhaha soomaaliyeed ahna waxaa wax la hubo ah in ay u dhaxeen oo loo guuriyey rag la leeyahay waa muhaajiriin ajnebi ah oo islaamkoodu wax uu yahay aan ogeyn uu yahay…wallaahul-mustacaan

  8. Shaki eegama jiro Ragaan oo tira badaan iney kujira saxaadka dacwada Iyo umada gudaheeda

Leave a comment

*