Wargeyska Jylland Post oo mar kale qortay warbixin ku saabsan Morten Strom [Video]

October 22, 2012 - Written by

Copenhagen:-Waxaa sidda dad badan oo akhristayaasha Halgan.net ah ay la socodeen qoraaladii kale duwanaa ee aan ka soo tarjunay saxaafada kale duwan ee ka soo baxda Danmarka gaar ahaan qoraaladii ku saab sanaa Morten Strom  oo ahaa jaajuus  u shaqaynayey Sirdoonka Dalka Maray kana CIA iyo Sirdoonka Danmark PET kaas oo  la baxay  Muraad oo ah magac Muslin ah oo uu ku howl galayey isagoo safaro kale duwan ku aaday Yurub , Yemen  iyo Afrika.

Warayska  JyllandPost ayaa waxaa uu soo daabacay cod laga duubay Morten Strom iyo Sarkaal ka tirsan sirdoonka ciidanka Danmark PET oo dood adag dhexmarsyo doodaas oo salka ku haysa balan qaadyo lacageed oo Sirdoonka Dalka Danmark PET ay la galeen Morton Strom balse aan u fulin siddii lagu heshiiyey. Sidda Wargeyska Jylland Post uu xusay ayaa waxaa uu heshiisku ahaa in Morten Strom uu  mudo dhan 5 sanno uusan wax canshuur ah uusan ka bixin lacag gaaraysa ilaa  25.000kr oo ah lacagta Daanishka  taas oo ay Sirdoonku mar walba ogaayeen in Morten Strom uu  mar uun u warbixin doono saxaafada.

Halkaan ka akhriso qoraaladii hore ee ay saxaafada ka qortay Morten Strom

Morten Strom ayaa waxaa uu ku doodayey in uu mudo sannado badan ah ay noloshiisu  ahayd labo waji isagoo bulshada Islaamkana ay u haysteen in uu yahay nin Muslin ah halka dhinca kale uu howshiisa loo igmada uu la waday Sirdoonka Danmarka iyo Maraykanka  u jeedaduna ay ahayd in ay ka takhalusaan Sh Anwar Al-cawlaqi Raximahulaah . Bishii Juun ayaa Morten Strom waxaa uu u sheegay Sirdoonka dalka Danmark PET in uu joojinayo in uu la shaqeeyo balse Sirdoonka dalka Danmarka ayaan wax balan qaad ah u samayn oo ku aadan in ay siinayaan lacag lagu qiyaasay ilaa 1.5 Milyan oo lacagta Dhaanishka ah

Morten ayaa isla 27 August waxaa uu u sheegay Sirdoonka dalka Danmarka PET in uu  bilaabayo in uu og siiyo saxaafad iyo in uu qoray buug iyo qoraalo ku aadan howshii uu ka shaqay nayey  balse Sirdoonka Danmarka ayaa u balan qaaday in ay siinayaan lacag dhan 1.5 milayn oo lacagta Dhaanishka ah hadii  uu aamuso oo uusan wax war ah siin saxaafad.

Markii ay sirdoonka Danmark PET ay howshaas u soo bandhigeen Morten Strom ayaa arrinkaas uu ku gacansayray waxaan uu yiri. ‘’  ma aamini karo Sirdoonka  waxaa ay ila galeen balamo aan fulin  waxaa ay ii balan qaadeen in naagtayda ay keeni doonaa dalka Danmark ayna siin doonaa deganaasho  iyo in ay  I siin doonaa tababar ku saabsan dhinaca difaac shaqsiyeed anigooo la tababaran doona ciidanka Milateriga ee Danmark  iyo in aan helli doono ilaalo gaar ah oo igu waardiyeysa  dalalka dibada ka ah Danmark arrinkaas oo uu sheegay in aysan fulin’’.

Madaxii hore ee Sirdoonka Danmarka Hans Jørgen Bonnichsen ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in lacag intaas l’eg loo balan qaado Jaajuus iyadoo laga codsanayo in uu aamusa arrinkaas buu ku fasiray in ay dhici karto in saraakiisha Sirdoonku aysan rabin in xiriirka dhexmaray Morton Strom uu dibada u soo baxo sababo dhowr ah oo jira awgood.

Hoos Ka Daawo codka laga duubay Morten Strom iyo mid ka mid ah Saraakiisha Sirdoonka Danmark PET

Source Jylland Post/Dr1.dk

1 Comment so far

Leave a comment

  1. meesha nba ninbuu daba gurayaa muraadka laftiisaa qaylinaya oo leh lacag baa la iga inkirey oo inkaarta mulimiinta uu daba socdo ayaa ku dhacdey, isaguna alqaciduu daba gurey oo waliba jilib ka gubey , alqacdana ummadd muslimiinta ee caalamka inkaartodii baa ku dhacdey aysan u aaboyeeeyn hiigooda, xagee lagu arkey boqol muslimiin ahoo qarax lala beegsanayo iyadoo loo jeedo hal nin oo la leeyahay wa taarget, bal adigumiizaankaas karibnaaniisa eeg, ilaahay hal naf oo mu’minad ah ayaa kala weyn adunkaan oo baaba’a ,suuq dhan oo laga adeeganayo oo waayeelka caruurta dumar iyo rag dhexdhexaad intuba ku jiraan ayaa bambo la dhex dhigi iyadoo loojeedo hal askari markaasaad maqi 50 baa dhimatey 70na waa dhaawacmen…innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun, markaasaa afmuggii inta la dhawaaqo lagu faani oo la oran ilaahay baa mahadsan sadaq wacdah..wa nasara cabdah..wa acaza jundah..yo eyooyin kale oo aad moodi makaad maqsho in quds a furtey…waxa meesha ku baaba,ayna waa muslimiin aruur iyo haween ah sida qaraxii lala beegadey suuqii qudaarta ee baydhabo ee haweenka iyo caruurtu ku baaba,een, iyo kii hargaha iyo saamaha ee ardeydu ku baaba’dey.

Leave a comment

*