Xaalada caafimaad Ee Mustafa Hashmi Pulat madaxii TIKA ee dalka Turkiga(Masawiro)

October 3, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Xaalada Caafimaad ee agaasime goboleedka Geeska Afrika u qaabilsan dalka Turkiga  Mustafa Hashmi  ayaa ah mid wanaagsan ka dib markii shalay dabley Burcad ah ay waddada u galeen waxaana dhaawac uu ka soo gaaray labada lugood.

 Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey ayaa kula hadlay saxaafada saaka mar uu soo booqaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo wuxuuna ka warbixiyey xaalada caafimaad ee Mustafa Hashmi Pulat wuxuuna sheegay in ay wanaagsan tahay .

Shalay ayey ahayd markii dabley hubeysan ay wadada u galeen wafdi uu horkacayey  Mr.Mustafa Hashim oo ah madaxa hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga dalka Turkiga (TIKA)waxaana socdaalka ku weheliyey wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland .

Taliye xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Gen.Muxaydiin Axmed Aw-Muuse  ayaa shalay sheegay in ay qabteen 8 ka mid ah kooxa weerartay wafdiga Turkiga ah ee ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

230,667 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>