Xaruntii la dagaalanka argagixisada ee magaalada Garisa oo gubatay

October 3, 2012 - Written by

Garisa: Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Garisa ayaa sheegaya in ay gubatay oo bas beeshay xarunta la dagaalanka argagixisada oo ku taalay magaalada Garisa.

Ilowareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Garisa oo la soo xiriiray Halgan.net ayaa u sheegay in xalay fiidkii uu dab weyn uu qabsaday xarunta la dagaalanka argagixisada waxaaana ciidamada amaanka iyo dowlada Kenya ay isku dayeen in ay damiyaan balse wey ku fashilmeen.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa saaka aad u hadal heysa dabka weyn ee baabiyey xarunta la dagaalanka argagixisada magaalada Garisa waxaana ay aad u falanqeeyeen in magaalada Garisa aysan lahayn wax dabdamis ah oo ku filan.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

C\Casiis Maxamed
Halgan.net 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. al-hamdu lillaah ilaahay baa mahad leh u dhameeyay daalimiinta dadka ayay dhibeen. إن الله يمهل ولا يهمل سبحانه وتعالى

  2. الحمد لله الحمد لله ثم الحمد لله هكذا حال كل من حاد الله اللهم الدمرهم دباباتهم وطائراتهم واهلكهم

Leave a comment

*