Xog kale oo ay caawa na soo gaarsiiyeen Gudiga Madax banaan ee baaray dilka Sh Dr Axmed Xaaji.[Akhriso]

October 27, 2012 - Written by

Boosaaso:-Gudiga madaxa banaan ee baarayey dilkii foosha xumee ee loo geytay Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxaa caawa mar kale na soo gaarsiiyey xog kale oo ku saabsan kooxda dilka u geystay Shiikh Dr Axmed Xaaji iyo masuuliyaadkii  kale duwanaa ee ay ka ahaayeen Ururka Al-shabaab garabkiiska Amniyaadka , Gudiga ayaa waxaa uu na soo gaarsiiyey tirada rasmiga ah ee loo haysto in ay dileen ama wax ka maleegeen dilka Sh Dr axmed Xaaji cabdiraxmaan iyo mid walba wax uu qaabilsanaa kooxda, da’dooda iyo weilba beelaha ay ka soo jeedaan

Gudiga madax baan ee baaray dilka Sheekh Dr axmed xaaji waxaa uu ku wargelinayaa dhamaan umada Soomaaliyeed in dhagarqabayaasha dilka geystay aysan falkaan ku fulin qaab beeleed balse ay ku fuliyaan qaab Urur oo ay ka tirsanaayeen

Halkaan ka eeg Kaaraka Aqoonsiga Kooxdii Dishay Sh Dr axmed Xaaji

Daawo Video qiraal ay sameynayaan kuwii wax ka fuliyey dilkii Sh.Dr.Ahmed Xaji  [Qaybta 1aad]

Waxaa diyaariyey
Guddiga Madaxa-banaan ee Baarista dilkii
Dr. Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
Boosaaso Halgan.net

 

 

 

10 Comments so far

Leave a comment

  1. Allah akbar.

    Waxaan kaloo soo jeedin lahaa in markii uu soo dhamaado baaritaanka hadda socda, loo gudbo marlaxada labaad la helo tiro koobka dadka lagu dilay sidaan oo kale ee goboladaan ku dhintay ilaa Laascaanood, ka dibna lala kaashado, dadka koofurta sida Muqdisho si Godane loola xisaabtamo. waa la hubaa inuu ka tirsan yahay, ururada sirta ee ka hawl gala wadamada muslimiinta ah wuxuu ku guulaysatay inuu duufsado caruurta yaryar. arrinta Soomaaliya waxaa ku loolamaya dad dibbadaha awood ku leh. Xasuuqii ka dhacay Liberia, Rwanda iyo wadamo badan oo African waxaa lagu maxkamadeeyey meesha loo yaqaan Hague waa in Sh. xasaan iyo Godane la soo qabtaa inshaa allaah.

  2. Aswwb. Salanta Islaamka ka dib Allah baa mahadleh allaha fashilayey silsilada dulmiga isku bahaystay. Haddii bilowgii la helay dhamaadkana waa la gaarayaa inshaa Allaah.Dr sh. Ahmed Abdirahmaan Allah khayr aan la soo koobi karin baa ugu rajaynaynaa inshaa Allah.

    Waxaase guul weyn ah arrimahan:
    1. In Sheekha gacan dulmi u dhan yahay lagu sababay isaga xajka ka soo laabatay, isagoo sidaan dareemo sanado aad u fara badan xajka ku noqnoqday, isagoo caalim cilmi sharci ah ahaa, isagoo caashuuraa soomanaa, isagoo salaada subax fajar jameecada masjidka la tukay, lama soo koobi karo khayrka iyo fadhaaisha uu kulansaday raximahu allah raxmatan waasicah.
    2. Waxaa in allah fashilayey laga faaiidayaa in shacabka reer Putland is tuhmi lahaayeen oo laga yaabo in tuhmadaasi keeni kari lahayd in dad aan waxba galabsan dhibaato kala gaari lahayd, alxamdulillah.
    3.In dilalkii qorshaysnaa ee goboladaan raggaadiyey xal loo helo ama ay joogsadaan. Sidaasna Allah nabad ku soo rogo shacabka laga xasuuqayey intii hogaamin lahayna laga ugaarsaday.
    Xasan Sureto waa inuu ka jawaabaa intii ku dhimatay Gobolada Putland oo dhan waana og yahay waayo waa ninka amarka Godane ku soo dhici jirey.

    4. Ugu dambayntii Somaliland in ay lug ku yeelato waa arrin macquul ah waayo dhibaatada dilalka qorshayn ma saamayn Godanena wuxuu ka soo jeedaa gobolada waqooyi galbeed. Marka waxaan guddiga barakaysan kula talin lahaa in ay waaciyaan baaritaankooda, Allah waxaan idiin waydiinayaa inuu shaqadiina ka dhigo mid alle dartiis ah oo ajar iyo sanaad aan la soo koobi karin idiin ka siiyo, towfiiqada allah ha idinku hogaamiyo. Allah SWT ha idiin ku gargaaro inuu idiin sugo oo hawshiina sahlo kurbada qiimahana idiinka nabadgaliyo.

  3. ASC walalayal, salan kadib, waxan u mahad celinaya qof walbo oo gacan ka gestay so qabashada dagarqabayasha,

  4. ASCaleykum illaah SWT ha kashifo kuwa qarsan meel walba oo aay ka joogaan caalamka mida kale ninka layira Qaloocow ama Godane horta asaga yaa amra oo amarka soo siiya maxaa yeeley waxaad maqlaeysaa amarku wuxuu kasoo baxey Godane hebel buu soo gaarsiiyey ana waan fuliyey yaa amra Mr Qaloocsane = godane aniga ahaan waxaan oran lahaa SLand.fbi,cia,mosad,itoobiya waa kuwas kuwa raba iney Somailya noqoto ruux cuuryaana oo indhaha iyo dhagaha la’ illaah swt haka qabto kuwa gacanta siinaya cadowga iyo kuwa ku faraxsanba’ Aamiin amiinn amiin sc.

  5. gudigu shaqo wanaagsan bay qabteen allaha haka abaalmariyee
    waa in aan kaqayb qaadanaa soo qabashada kuwa baxsaday oo ay kamidyihiin gacan kudhiiglayaashii dilaay shiikh ahmed allaha ha unaxariisto

  6. waad mahadsantihiin walaalayaal culimadu fadhiga haka kacdo ilmahan yar yar ee la duufsaday halaga soo celiyo tankale waligii ma maqasheen hargaysa burco somali land ayey amniyaad joogaan ,waa mu aamaro mujrim ina godane iyo inta nairoobi oga fityaata

  7. Asc Dhamaan waxan hal kaan ka salamayaa umada somaliyeed khaas ahaan Reer puntland sln ka bacdi Qormada hadal kay Ga si’ad u fahan taan kadib mar kaan arkay G/madaxa Banaan Hawl Gal ka ay qabteen aad ayaan ugu faraxsanahay waxan tacsi u dirayaa Dr. Sh.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan
    oo ah shiikh caalim ah allaha janatul fardowso ka warabiyo kabacdi waxan ku nolahay wadan ka Sweden Gaar ahaan Stockholm casumada waxa aan wax ku bartay ama ka ga baxay Dugsi sare magalada bosaso waxa aan ku dhashay magalada bosaso waxa an aad ugu farax sanahay intaan Gacan ta lagu hayo waxa anan hadana haya mid kamida allshabaab ama intaan Danbilayaasha ah wadan ka u ku sugan yahay waxa aan Donaya in la iga Gudbiyo fariin khaas ah G/ Ga madaxa banaan mideda kalE wadan ka u ku nool yahay aya waxa u yahay wadan islaam ah inta ka bacdi magacaygu wuu Qarson yahay wayo nina ma donayo hadu wadan ka usan jogin in walid kisa & Ehel kisa Dhibato lo gaysto wabilaahi Towfiiq

  8. Asc. Godane waa in cadaalada la horkeenaa, waa ninka amarka bixiyey umada soomaaliyeed oo dhana waa in ay ka qayb qaataan soo qabashada hogaamiyaha Shabaabka. Dadka ay dilayaan oo dhan u fiirsada, qofba qofka uu ka qiimo iyo cilmi badan yahay ayeey dilayaan si ay u helaan umad wada jaahil ah oo ay sideey doonaan kayeelaan. Ilaaheey ha u naxariisto sh.dr. Axmed.

  9. 14-kaaas Qof waa in la horkeynaa Cadaalada. Waa silsilad macquul ah.

  10. Allahu Akbar
    takbiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiir

Leave a comment

*