3 askari oo lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari

November 19, 2012 - Written by

Koox hubeysan ayaa saaka waxaa ay ku toogteen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ilaa 3-bo askari oo ka tirsanaa ciidanka dalka Kenya iyagoo markii ay dilkaas fuliyeen goobta ka baxsaday.Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay  meel ku dhow dugsiga sare ee Garissa High School, dilka saaka ayaa ku soo beegmay ka dib markii xalay qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab Kenyaan ah oo marayey xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi oo ah xaafada ay degan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa soo wajahay cabsi fara badan waxaan saaka dhamaan xiran goobaha ganacsiga waaweyn ee ay ka lahaayeen ganacsatad Soomaaliyeed magaalada Nairobi waxaan jira cabsi weyn oo ay qabaan ganacsatada iyo dadka Soomaali yeed oo ka cabsi qaba in la bartilaamsado iyaga iyo ganacsigoodaba.

Ilaa hadda ma jiraan koox ama urur si rasmi ah u sheegtay qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaamsanyo ciidanka dalka Kenya  balse ilaa iyo intii ay ciidanka dalka Kenya gudaha u galeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa dalka Kenya ku soo badanayey dilal iyo qaraxyo wax u dhimaya nabad iyo amaanka ka jiray dalka Kenya oo ah dal xuduud la leh dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online