Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay tacdi ay geysteen ciidamada Kenya (Daawo)

November 30, 2012 - Written by

Nairobi:-Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay tacdi ay ciidamada Kenya u geysteen dhalinyaro Soomaali ah kuwaas oo ay si xun u garaaceen iyaga oo ku wareysanayey Afka Sawaaxiliga oo aysan dhalinyaro aqoonba.

Dhalinyarada ay garaacayaan Ciidamada Kenya ayaa waxaa Faafiyey Tv ka howlgala gudaha dalka Kenya oo la yiraahdo Citezen Tv 24/11/2012 waxaana sidoo kale lagu baahiyey barta ay Al Shabaab ku leedahay Shabakada Bulshada xiriirisa ee Twitterka.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in dilka iyo garaaca loo geystay dhalinyarada Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan aan ka mid ahayn Al-Shabaab ay ku tusinayso cadaawada ay islaamka u qabaan ciidamada Kenya wuxuuna sheegay in aan looga hari doonin dowlada Kenya isaga oo wacad ku maray in ay kordhin doonaan weerara ay ku qaadayaan ciidamada Kenya mar uu la hadlay Wakaalada wararka ee AFP.

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Dowladda Kenya  Col.Cyrus Oguna, ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan muqaalka laga sii daayey Tv Citezen ee dalka Kenya  wuxuuna sheegay in uusan aqoon falka halka uu ka dhacay in ay tahay gudaha Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Dadweynaha ku dhaqan dalka Kenya ayaa saaka aad u hadal haya tacadiga iyo garaaca foosha xun oo ay ciidamada Kenya u geysteen laba dhalinyaro oo Soomaali ah .

Hoos ka Daawo Muqaalka dhalinyarada Soomaalida oo ay ciidamada Kenya si xun u garaacayaan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online