Banaanbax lagu taageerayo xukuumada R/W Cabdi Faarax Shirdoon oo ka dhacay Muqdisho

November 8, 2012 - Written by

Muqdisho:-Banaan bax ay soo abaabuleed madaxda  16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana banaanbaxa lagu taageerayey xukuumada uu dhawaan soo dhisay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay arday Iskuulada iyo dadweyne kale waxaana uu banaanbaxa ka dhacay Garoonka kubada cagta ee stadiyo koonis .

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay banaan baxa ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka DFS in ay codka kalsoonida ay siiyaan Golaha wasiirada ee uu dhawaan soo dhisay Raisulwasaare Saacid.

Banaanbaxa ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon wuxuuna baaq u jeediyey xildhibaanada DFS wuxuuna ka codsaday in codka kalsoonida ay siiyaan xukuumadiisa wuxuuna u rajeeyey shacabka Soomaaliyeed in sanadka kan xiga ay helaan nabad waarta.

Ra’iisul wasaaraha DFS ayaa waxaa sidoo kale banaanbaxa lagu taageerayo kala soo qeyb galay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada waxaana ka mid ahaa  Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ,Wasiirka Maaliyada iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Raisulwasaare Saacid.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ayaa si weyn u adkeeyey amaanka Garoonka kubada Cagta ee Stadiyo Konis oo uu maanta ka dhacayey Banaanbaxa lagu taageerayo Xukuumada Raisulwasaare Saacid.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online