Ciidamada Badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay dalka North Korea

November 18, 2012 - Written by

Boosaaso:-Ciidamada Badda ee Puntland ayaa gacanta ku soo dhigey Markab laga leeyahay  dalka North Korea kaas oo qashin iyo shamiinto ku daadinayay meel u jirta Dekkada Boosaaso  13 mile waxaana markabkan uu ka yimid magaalada Dubia isaga oo Shamiintada u waday magaalada Muqdisho .

Taliyaha ciidanka Badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye.ayaa sheegay in Markabkan laga leeyahay dalka North Korea uuna saarnaa xamuul u badan Shamiinto qoyday ka dib markii uu markabka cilad ay soo wajahaday uu bilaabay in uu ku daadiyo dhamiitada xeebaha Puntland.

Ciidanka Badda ee Puntland (Puntland Maritime Police Force (PMPF) ayaa haatan gacanta ku soo dhigay Markabkan oo mudo isbuuc ku dhow taagnaa Xeebta dhanka bari ee magaalada Bosaaso waxaana haatan la keenay dekkada magaalada Boosaaso.

no images were found

Ciidamada Bada Puntland (PMPF) waxay sheegeen in markabku ay saaraayeen yihiin haatan 1500 oo tan oo shamiito ah waxayna dowlada Puntland cambaareyn u soo jeedisay maraakiibta qasinka ku shuba xeebaha Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id ee uu Boosaaso ku qabtay Taliyaha ciidanka Badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye.

[audio:https://halgan.net/Mp3/admiral.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online