Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalka Sh/Dhexe

November 18, 2012 - Written by

Balcad:-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka ku soo siqeen oo ay soo gaareen deegaanka Garsaale oo u jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe  20-km .

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa haatan xarun ka sameystay deegaanka Garsaale waxayna ka qoteen dhufeysyo sida uu sheegay sarkaal ka tirsan DFS dhaqdhaqaayada ciidanka ee haatan ka soo kordhay gobalka Sh/Dhexe ayaa waxaa uu qeyb ka yahay howlgalo ay wadaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo doonaya in ay isku fidiyaan dhamaan gobalka Sh/ Dhexe .

Ciidamada ururka Al-Shabaab ayaa iyagana wada dhaqdhaqaaq ay kaga hortagayaan duulaanka ku soo wajahan magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe waxayna dadweynaha ugu baaqeen in ay ka qeybqaataan difaaca magaalada Jowhar.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore ka soo laabtay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe . Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar gaar ahaan deegaanka Qalimow ayaa lagu arkay ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM oo ku sii qulqulaya.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay gulufka colaadeed ee ka soo cusboonaaday gobalka Shabeelaha Dhexe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online