Ciidamada Huwanta oo hub ka helay qabuuraha Jabarti ee galbeedka magaalada Kismaayo

November 8, 2012 - Written by

Kismaayo:-Howlgalo saaka ay sameeyeen ciidamada DFS iyo kuwa Ururka Raaskambooni ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen hub tiro badan oo ku aasnaa  qabuuraha la yiraahdo Jabarti ee galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Halgan.net u xaqiijiyey in hub faro badan laga helay  qabuuraha la yiraahdo Jabarti ee galbeedka magaalada Kismaayo waxaana sidoo kale saxaafada la hadlay sarkaal ka tirsan Ururka Raaskambooni wuxuuna sheegay in hubka la helay ay soo farfiiqeen dad ku sugan Kismaayo.

Hubka maanta laga helay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka kooban yahay AK-47 qoryaha Boobaha ah Ee PKM ka ,Baasuukayaal iyo rasaas iyo miinooyin kala duwan ilaa haatan waxaa socda howlgalada ay wadaan ciidamada Huwanta ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online