Ciidamada Puntland oo laba qof ku dilay caawa Degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Hayland

November 5, 2012 - Written by

Dhahar:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee xarunta gobalka Hayland ayaa sheegaya in ciidamo ku hubeysan laba gaari oo tikniko ah ay caawa isku gadaameen maqaaxi ku taal Degmada Dhahar ee xarunta gobalka Hayland .

Ilaa haatan waxaa howlgalada caawa ay qaadeen ciidanka Puntland ku dhintay laba qof oo kala ah Xasan Ismaaciil Sardheeye oo ah ninka ay ku raad joogeen ciidamada sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah  iyo wiil arday ah oo maqaaxida fadhiyey oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Faarax.

Ciidanka caawa howlgalkan fuliyey ayaa waxaa hogaaminayey G/sare Cali Daahir Axmed Saalax .Degmada Dhahar ayaa caawa waxaa lagu arkay ciidamo tiro badan kuwaas oo howlgalo ka fuliyey iyaga oo sheegay in ay ku daba jiraan rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab .

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Degmada Dhahar ayaa aad u dhaleeceeyey howlgalada caawa ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Degmada Dhahar waxayna ugu baaqeen madaxada iyo saraakiisha ciidamada horkaceysa in cidii danbi lagu hayo maxkamad la keeno balse aan la iska toogan isaga oo aan danbiga lagu cadeyn.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online