Ciidamo ka tirsan Puntlland oo saaka gaaray Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag

November 28, 2012 - Written by

Xingalool:Waxaa saaka gaaray Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntlland sida uu noo xaqiijiyey wariye madax banana oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ciidanka daraawiishta dowllada Puntlland oo saaka gaaray degmada Xingalool ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Puntlland G/lle Cumar Cabdulaahi Maxamed oo lagu naanayso Cumar Faroweyne.

Taliyaha ciidanka Madaxtooyada dowllada Puntlland G/lle Cumar Faroweyne ayaa saxaafada u sheegay in sababta ay ciidanku u yimaadeen degmada Xingalool ay tahay in ay sugaan amaanka iyo in ay ka hortagaan in ciidamo ka tirsan S/lland ay soo galaan magaalada ayna keenaan Sanaadiiqda cod bixinta Golaha degaanka ee saaka ka bilaawday S/lland.

Taliyaha ciidanka Madaxtooyada dowllada Puntlland G/lle Cumar Faroweyne ayaa sheegay in ciidankoodu ay fariisamo ka samaysteen tuulada Beraagaha kulana ay la qaateen Odayaasha Dhaqanka ee Xingalool. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntlland ayaa maalmo ka hor waxaa ay gaareen tuulada Ceel cad oo u dhexeysa Magaalooyinka Hadaaftimo,Yubbe iyadoo la sheegayo in ciidamo ka tirsan S/lland oo ilaalinaya sanaadiiqda doorashooyinka Golaha degaanka in ay doonayaan in ay keenaan degaano ka tirsan Gobolka Sanaag iyo Sool taas oo laga cabsi qabo in dagaal dhexmaro Puntlland iyo S/lland.

Dhinac kale wafdi uu hogaaminayo  Wasiirka Gaashaandhiga S/lland Axmed Xaaji Cadami ayaa waxaa ay ku sugan yihiin duleedka degaanka Tuuladda Yubbe oo 30 Km u jirta magaalada Ceerigaabo , halka wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga S/lland  Maxamuud Siciid Gacameyna uu ku sugan yahay  magaalada Ceerigaabo lama garan karo in uu u soo baqooli doono magaalada Dhahar oo ay gaareen maalin ka hor Ciidamo uu wato wasiir ku xigeenka amniga dowllada Puntlland Cabdi Jamal.

Odayaasha dhaqanka , wargaradka , culimo’udiinka ayaa ka digay in colaad laga dhex abuuro beelaha Soomaaliyeed ee isku degaanka ah , nabadna ku wada nool colaadaas oo abuuri karta deganaasho la,aan ka dhacda Gobolka Sanaag iyo Sool. Dadka shacabka ah ayaan iyagu ah cid mar walba dhibaatada dagaaladu ay aad u saameeyaan kuna keenaa qax iyo dhibaatooyin badan halka siyaasiyiintu u jeedadoodu ay tahay lacag iyo xukun raadis.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online