Dagaal ka qarxay duleedka magaalada Xudun ee Gobolka Sool

November 28, 2012 - Written by

Wararka naga soo gaaraya saaka  magaalada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegay in uu ka qaraxy dagaal u dhexeeya ciidanka Somalilland iyo kuwa Kaatumo , dagaalka ayaa waxaa uu  ka bilowday degaanka Cadweyn  iyo Gobley oo koonfur bari uga begaan  magaalada Xudan oo ilaa 83 KM u jirta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalka saaka socda ayaa ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 6 qof oo ka mid ah ciidamada dagaalku u dhexeeya waxaan wararka soo baxay ay sheegayaan in ciidanka S/lland ay hellayaan gurmad halka dadka degaanka Xudun iyo degaamada ku xeeran oo abaabulan ay dagaalka ku soo biirayaan waxaan laga cabsi qabaa in dagaalku uu dhaliyo khasaaro fara badan iyo in uu ku fido degaano hor leh.

Dagaalka ayaa waxaa sababay ka dib markii Maamulka S/land ay isku dayeen in ay magaalda Xudun soo galiyaan Sanaadiiqda cod bixinta golaha deegaanka ee Somaliland ka dibna ay ciidamo ka tirsan Kaatumo ay dagaal ku qaadeen xubnihii waday sanaadiiqda. Odayaasha Xudun ayaa shalay ka digay in maamulka Somalilland ay magaalada keenaa Sanaadiiqadda doorashooyinka ee  golaha deegaanka ee Somaliland taas oo sababi karta dagaal iyo khasaaro iyo deganaasho la’aan ka dhacda Gobolka Sool guud ahaan.

Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii magaalada Xudun lagu qabtay  Guddoomiyihii hore ee magaalada Laascaanood ahna guddoomiyaha ururka  Xaqsoor Cali Maxamuud Axmed Cali Sandule.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online