Dhalinyaro Muslimiin ah oo eedeeyey Morten Strom oo u shaqeynayey Sirdoonka PET iyo CIA

November 5, 2012 - Written by

Copenhagen:-Qaar  ka mid ah dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku nool dalka Danmark  ayaa waxaa ay qaylo dhaan ka keenay ka dib markii ay saxaafada dalka Danmark ay soo bandhigtay Morten Strom oo in mudo ah  iska dhigayey in uu yahay Islaam kuna howl galayey magac Muraad Al-Denmarki . Saddex dhalinyaro ah ayaa waxaa ay Wargays lagu magacaabo BT oo ka soo baxa dalka Danmark  u sheegeen in Morten Strom uu ahaa Jaasuus u shaqaynayey sirdoonka ciidanka dalka Danmark PET uu u soo bandhigay in ay dilaan  ninkii sameeyey Farshankii lagu aflagaadeynayey Nabigeena Maxamed Nabadgelo iyo naxariis dushiisa ha ahaateen  oo lagu magacaabo Kurt Westergaard .

Adan Avdic oo ah  27 jir  una dhashay dalka Boosniya  ayaa si cad ugu sheegay in Morten Strom uu ka dalbaday in uu dilo farshankii Kurt Westergaard isagoo u tilmaamay goob uu Kurt Westergaard ku samayn jiray jirdhiska isagoo siiyey Addreska goobta iyo marka uu ka soo baxo wuxuun ku tirtirsiiyey in uu dilo.

Adan Avdic ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Morten Strom uu u sheegay in uu u keenayo hubkii uu ku dili lahaa farshaxanka Kurt Westergaard oo ahaa ninkii sawiro aad u fool xun ku aflagaadeeyey nabigeen Maxanmed Naxriisi iyo  Nabadgelyo korkiis ha ahaatee.

Labo dhalinyaro ah oo kale oo Wargayska BT uu magacooda ku soo gaabiyey Abu Cabdullahi iyo Abu Muscab ayaa iyagana ku dooday in Morten Strom uu ku dhiiri geliyey in ay dilaan Kurt Westergaard isagoo kula hadlay maalin Jimco ah Masjid ku yaal magaalada labaad ee dalka Danmark ee Arhus. Halkaan ka eeg qoraalka Wargeyska BT

Waxaa xusidmudan  in nin lagu magacaabo Sawash Awtche da’diisana tahay 36 jir  uu Wargeyska BT waraysi uu siiyey u sheegay in Morten Strom uu yaqaanay ilaa 2005 tii isagoo xusay in marka ciidanka dalka Danmark ee ka howl gala dalka Afgaanistaan la qarxiyo ama askar laga dilo uu aad ugu farxi jiray , Sawash Awtche ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Morten ay yihiin isku da’ mararka qaarkoodna uu isaga la deganaa iyagoo xiliyada qaarna soo wada kaluumaysan jiray waxayna mudo ay wada deganaayeen xaafadaha kala ah Vanløse og Ølstykke. Halkaan ka eeg qoraalka wargeyska BT

Sawash Awtche oo ah nin Muslin ah  ayaa wargeyska waxaa uu u sheegay in Morten Strom uu mudo badan ku cadaadiyey in uu u raaco dalka Yemen si ay u soo qaataan Tababar  una soo barto qaabka loo dagaalamo .Sawash Awtche ayaa sidoo kale sheegay in Morten Strom uu u sheegay in uu gabar yemeniyada ah oo uu guursado ku heli doono haddii uu u raaco dalka Yemen.

Sawash Awtche ayaa wargeyska BT waxaa uu u sheegay in Morten Strom uu u keenay Kokain  [Daroogo] si uu u iibiyo ka dibna loogu taageero  Jihaad isagoo wargeyska uga warbixiyey qaabka uu Morten Strom ugu keenay Kokain  [Daroogo] qaabka uu u iibiyey isagoo xusay in u jeedadadu ay ahayd buu yiri in aan helno lacag fara badan si  aan u iibsano Hubka wax gumaada ee Kemikada ah si aan gaalada ula dagaalano.

Sawash Awtche  ayaa waxaa kale oo uu u sheegay Wargeyska BT in Morten Strom uusan wax dhib ah u arag in la fara xumeeyo gabdhaha gaalada ah ama aan Muslinka ahayn ama in wax laga xado dukaamada ay leeyihiin dadka aan Muslinka ahayn waa sida uu Sawash Awtche u sheegay Wargeyska  BT.uu waraysiga siiyey.

Wargeyska BT-ga Jyllnad Post  iyo saxaafada kale ee kala duwan ayaa waxaa ay Morten Strom wax ka wiidiisay eedeynta ay u soo jeediyeen dhalinyaradaan Muslinka ah oo qaarkood gala Xabsiyo in mudo ahna ku jiray  ka dib la soo daayey dhalinyarad qaar ayaa waxaa lagu eedeeeyey in ay rabeen in fal qaraxyo ah ay ka fuliyeen dalka Danmarka walow markii in mudo ah ay xirnaatyeen la oo daayey.

Waxaa Xusid mudan in uu jiro wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo la yiraahdo Muhudiin Mohamed Geele ayaa dowllada Danmark ay ku eedeysay in uu rabay in uu dilo farsha haniiste  Kurt Westergaard isagoo ay Maxkamad ay xukun ku riday 9 sano oo xarig ah.

Source Wargeyska BT 
Copenhagen ,Danmark

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online