Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo Kontoroolka magaalada Kismaayo

November 6, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay saaka wadaan diyaargarow iyo dhaqdhaqaaq ciidan waxaana si weyn looga dareemayaa Kontoroolka magaalada Kismaayo ee Madhamaato halkaas oo ay saaka gaareen ciidamo ka tirsan Huwanta.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee saaka laga dareemo Kontoroolka magaalada Kismaayo ayaa ku soo aaday ka dib markii shalay uu ku goodiyey Hogaamiyaha Ururka Raaskambooni Sheekh Ahmed Madoobe in ay weerar ku yihiin Deegaanada ay gobalka J/hoose kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanada Buulo Gaduud iyo Jilib.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa haatan ku sugan Degmada Jilib waxaana ciidamadaas horkacaya Ibraahim Afgaani waxayna ciidamaaas diyaar garow ugu jiraan sidii ay dagaal dheer ula gali lahaayeen ciidamada huwanta ee qabsaday deegaano badan oo ka tirsan gobalka J/hoose.

Dhinaca kale Taliye ku xigeen ciidanka AMISOM Col. Karncho ayaa sidoo kale ku hanjabay in Al-Shabaab ay kala wareegi doonaan deegaanada ay haatan kaga sugan yihiin J/hoose inta ka dhiman sanadkaan .

Isku soo wada duuboo Baalxooftanka iyo Hanjabaada ay wadaan saraakiisha ciidanka huwanta ayaa waxaa la wada dhowrayaa halka ay gaarto iyada oo Ururka  Al-Shabaab ay  dajisteen qorshahooda dagaal inta ay rabto ha gaarto awoodoodee.

Cabdi yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online