Diyaaradaha Isra’iil oo maalintii 7-aad Duqeynaya magaalada Gaza

November 19, 2012 - Written by

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuuda ayaa waxaa ay maalintii 7aad ay duqeyn ku wadaa dadka shacabka ahee reer Falastiin oo ku nool magaalada Gaza oo aan ilaa hadda wax u gargaara aan haysan.Diyaaradaha Dagaalka ee Isra’iil ayaa waxaa ay duqeynayaan guryaha ay degan yihiin dadka shacabka ah ee reer Falastiin waxaan duqeynta diyaaradaas ku dhintay ilaa hadda 84 qof waxaa ku dhawaac may ilaa 700 oo ah shacab ah. Xoogagga reer Falastiin ee ay hogaaminayaan Xamaas ayaa gantaalo ku garaacay meesha la yiraahdo Casqalaan iyagoo ku riday ilaa 125 Gantaal oo 4 ka mid ah ay ku dhacday Tel Aviv waxaan Gantaalada ay rideen Falastiiniyiinta ku dhaawacmay ilaa 20 Isra’iiliyiin ah waxaan ku dhintay 4 qof oo Isra’iili yiin ah.

Gantaalada ay ridayaan reer Falstiin ayaa ah kuwa Maxali ah oo ay  shacabka reer Falastiin ay samaysteen halka Dowlladda Isra’iil ay adeegsanayaan hubkii ugu danbeeyey ee casriga ah oo ay ku jiraan Sawaariikhda laga soo rido badda iyo diyaaradaha casriga ah oo ay ku rakiban yihiin Gantaalada wax gumaada.

Dalalka Islaamka ee Dariska la ah Isra’iil ayaa waxaa ka socdo banaanbaxyo ay samaynayaan dad shacab ah oo iyagu is abaabulay kana caraysan duqeynta ay ciidanka Isra’iil ku hayaan magaalada Gaza oo ah magaalo ay ka taliyaan kuna xoog badan yihiin xoogga xamaas iyo  ururada kale ee hubaysan ee reer Falastiin.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online