Dowlada Ugandha oo ku goodisay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Somalia iyo Congo

November 2, 2012 - Written by

Kampala:-Sida uu daabacay maanta wargeys ka soo baxa dalka Ugandha oo magaciisa la yiraahdo Newvision ayaa waxaa ay dowlada Ugandha ku goodisay in ay ciidamadeeda kala baxaysao wadamada Soomaaliya iyo Central African Republic and DR Congo ka dib markii qoraal ka soo baxay UN uu ku eedeeyey in dowlada Ugandha ay taageero siiso jabhada M23 oo dagaal kula jirta dowlada Congo.

Raisulwasaaraha dalka Ugandha Minister Amama Mbabazi ayaa bayaan uu  ka hor akhriyey Baarlamaanka dalka Ugandha maanta waxaa uu ganafka ku dhuftay eedeynta loo soo jeediyey dowlada Ugandha waxaana uu ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay UN-ka  mid been abuur ah ,isaga oo ku eedeeyey in UN-ka uu indha ka laabtay howlgalada nabada lagu soo celinayo ay ciidamada Ugandha ka wadaan wadamada Soomaalia iyo Congo.

Wasiirka Amniga ee dowlada Ugandha ayaa sheegay in ciidamada Ugandha ay dagaal kula jiraan Ururka Al-Shabaab iyo Jabhada  LRA wuxuuna ka horsheegay baarlamaanka Ugandha in dowladiisa aysan wax taageero ah siin jabhada M23.

Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda Mr: Wilso Muruli ayaa sheegay in dawlada dalka Uganda ay la soo bixi doonto ciidamada dalkeeda ka Jooga  dalalka Soomaia iyo Congo.Wasiirka ayaa maanta galinkii danbe waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha  ciidamada dalka iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Kguto Musseveni kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Madaxtooyada dalka Ugandha.

Qoraalka ay soo saartay UN-ka ee lagu eedeynayo dowlada Ugandha ayaa ku soo aaday xili dowladaha reer galbeedka ay sheegeen in ay ka fiirsanayaan dhaqaalaha ay siiyaan dowlada Ugandha.

Halkan ka Akhriso Wargeyska News Vision uu ka qoray goodiga dowlada Ugandha ee ku aadan Somalia iyo Congo,

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Allaah hanaga saaro ileyn awalba khayr nooguma jirin imaatinkooda iyo joogitaankoodaba gaalo mdowda xun.

  2. ilaahayow naga saar wax ka khayr badana noogu bedel iyaga iyo kuwa kale dadka soomaaliyeed dhibaatada kuhaya dalkayagana noo hagaaji ogaada walaalayaa soomaalidu mataqaan ilaahow wax ka khayrbadan noogu bedel laakiin waxaa ay yaqaaniin ilaahow nadhaafi markaasaa ladhaafiyaa oo wax kadaran loogu bedelaa?

  3. Ilaahow naga saar iyaga balaayada kalee dalka iyo dadka Soomaaliyeed gumaadaysa oo meel daran iyo reero muskood ka tuur … aamiin.

Leave a comment

*