Dowllada Puntlland oo warsaxaafadeed ka soo saartay dil xalay ka dhacay degmada Dhahar

November 6, 2012 - Written by

Dhahar:-Warsaxaafadeed ka soo baxay saaka Wasaaradda  amniga ee Dowlladda Puntlland  ayaa waxaa ay uga hadleen  dil xalay ka dhacay  magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan iyagoo ku xusay warsaxaafadeed kooda in ciidanka amaanka ee Puntlland ay ka war helleen goob uu ku sugnaa Hassan Ismail Sardheye oo ah 34 jir  markii ay ciidanku ay hareereeyeen uu  ku dagaalmay qori Ak-47 ah oo uu sitay iska horimaad kooban ka dib ayaa waxaa uu sababay geeridiisa isaga iyo qof kale oo rayid ah.

Wasaaradda amniga ee dowlladda Puntlland ayaa waxaa ay  ku eedeysay Hassan Ismail Sardheye in uu ahaa masuul ka tirsanaa Ciidanka ururka Al-shabaab oo 2010 kula dagaalamay  Buuraha Golis gaar ahaan degaanka GalGala Ciidanka Puntlland, warsaxaafeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Hassan Ismail Sardheye uu ka mid ahaa madaxda ururka Al-shabaab ee Buuraha Golis.

Wasaaradda Amniga ee Puntlland ayaa waxaa ay ku sheegeen in Buuraha Golis ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku qiyaaseen 50 askari kuwaas oo ka yimid Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya si ay khal khal u geliyaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka dowlladda Puntland oo ku qoran luqada Ingriiska

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online