Golaha Wasiirada DFS oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

November 29, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta kulan isigu yimid golaha wasiirrada ee DFS waxaana kulankooda ay diirad ku saareen sidii loo adkeyn lahaa amaanka magaalada Muqdisho looguna sameyn lahaa ciidamo gaar ah waxaana sidoo kale kulanka ay wasiirada uga hadleen dhaqaalada ka soo xarooda dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Kulankan Golaha wasiirada DFS ayaa waxaa shirgudoominayey Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdi Faarax Shir-doon kulanka wasiirada ayaa waxay isla qaateen in 16 Degmo ee magaalada Muqdisho  loo sameeyo ciidamo gaar ah oo madani ah  lagana saaro ciidamada DFS ee isbaarada dhigta gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta DFS  Cabdullaahi Xirsi Ciil-mooge ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulankii golaha wasiirada ee DFS wuxuuna sheegay in ay dowlada ay sameyn doonto ciidamo gaar ah kuwaas oo sugi doona amaanka 16 degmo ee magaalada kuwaas oo ka madaxbanaan ciidanka melatariga ee dowlada .

Wasiirka Warfaafinta ee DFS ayaa sidoo kale sheegay in golaha wasiirada ay ka wada hadleen  sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde si dhaqaalaha ka soo baxa ay dowlada u maareyso .

Wasiirka DFS Cabdullaahi Xirsi Ciil-mooge ayaa sheegay in Degmo walba oo ka tirsan magaalada Muqdisho la geyndoono 100 askri oo suga amaanka wuxuuna sheegay in dowlada ay maanta qaaday Isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online