Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan oo caawa la weeraray

November 4, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wararka caawa naga soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaciyey gurigii uu deganaa Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi  gurigaas oo ku yaalay  xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Koox Hubeysay ayaa caawa maqribkii weerar ku qaaday guriga Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi   waxaana rasaas culus is weydaarsaday ilaalada guriga Guddoomiye ku xigeenka  iyo kooxdii weerarka soo qaaday waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada Caddaawe Cilmi  waxaana lagu dabiibayaa haatan isbitaalka guud ee magaalada B/weyne.

Ciidamo ka tirsan DFS ayaa goobta soo gaaray waxaana ciidamadaas horkacayey guddoomiye ku xigeenka amniga ee magaalada Beledweyne Maxamed Cumar Isaaq waxaana goobta ka baxsaday kooxdii weerarka ku qaaday guriga Caddaawe Cilmi oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay weerarka caawa lagu qaaday guriga uu ka degan yahay magaalada B/weyne Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee gobolka Hiiraan Caddaawe Cilmi

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online