Guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin oo la dilay

November 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa saaka koox ku hubeysan Bistoolado oo dhalin yaro ah ay dileen guddoomiyihii ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin iyagoo ku dilay gudaha Suuqa bakaaraha. Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay xafiiskiisa waxaan la socday mid ka mid ah ilaaladiisa oo isagan dhintay , Kooxda falka dilka ah geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan DFS iyo AMISOM ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay waxaana ay sameeyeen howl galo ay ku raadinayaa kooxda falka dilka ah fulisay balse ilaa hadda lama sheegin cid ay  u qabteen dilkaas foosha xun ee lagula kacay allaha u naxariistee guddoomiyihii ganacsatada suuqa Bakaaraha Axmed Nuurre Ow Diin.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online