Hay’adda Nabadsugidda ee DFS oo bandhigtay 16 qof oo ay ku sheegtay Alshabaab

November 22, 2012 - Written by

 Hay’adda Nabadsugidda ee DFS ayaa maanta ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho dhalinyaro gaareysa ilaa iyo 16 dhalinyaro ah kuwaas oo ay ku sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidanka nabad sugidda gobolka Banaadir  Col. Khaliif Axmed Ereg. Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ka dib markii ay howlgalo ka sameeyeen degmada Huriwaa  iyo Yaaqshiid ee gobalka Banaadir ay soo qabteen hub iyo 16 dhalin yaro ah oo sida uu sheegay qorsheynayey in ay weeraro la beegsadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in xogta dhalinyaradan ay ka heleen kooxaha ay ku qabteen deegaanka Cali-turcaaye ee degmada Huriwaa . Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sidoo kale sheegay in howlgaladii ay qaadeen ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo uu magaciisa uu ku sheegay Cabdinuur Gar-dhuub wuxuuna saxaafada u soo bandhiga dhalinyaraa iyo hub.

Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalinyarada ay soo bandhigay maanta Hay’adda Nabadsugidda ee DFS ayaa beeniyey in wiilashooda ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab waxayna ugu baaqeen madaxada Hay’adda Nabadsugidda ee DFS  in caruurtooda loo soo daayo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online