Hay’adda Somali advice & Information Service iyo barnaaamijkii maalinta dhaqanka iyo Suugaanta ee Leicester

November 21, 2012 - Written by

Maalinimadii Axadda oo ay taariikhduna aheyd 18/11/2012 ayaa waxaa ka dhacay magaalada Leicester xaflad loogu magac daray {Leicestershire Soomaali culture and literature day} oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Somali advice and information services (SOMINFOS). Kulankaas oo lagu soo bandhigayey taariikhda, dhaqanka, qoraalada iyo waliba horumarinta farta Soomaaliga ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahano, siyaasi yiin, qoraayo Soomaaliyeed oo caan ah iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada. kulan kaas oo ahaa mid si heer sare ah loo soo abaabulay ay waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan.

Ugu horeyn waxaa lagu furay kalimad diini ah oo uu soo jeedinayey Shiikh Cumar Cabdulraxmaan, isla markaana ah howlwadeen ka shaqeeya LCC, qeybta libereeriyada isagoo sidoo kalena bulshada u soo bandhigay Adeegyada kala duwan oo ay ka heli karaan Libereeriyada magaalada Leicester. Sidoo kale waxaa halkaas hadalo qiimo leh kasoo jeediyay qoraayada Soomaaliyeed ee kala ah Cabdicasiis Xildhibaan, Siciid Cali Shire, Jawaahir Xaaji Cabdalle iyo Cabdixakiim Jaamac Jooje. Waxaa kaloo halkaas ka hadlay aqoonyahano kala duwan oo ku nool magaalada Leicester sida Maxamed Xasan, Maxamed Saalax, Xiis iyo Cabdullaahi kooshin. Waxaa isagana kalimad kooban kasoo jeediyay halkaas Cumar Xasan ( Cumar Dheere ) oo ah gudoomiyaha hay’adda Leicester United.

no images were found

Xafladdii maanta waxaa lagu soo bandhigay qalab aad u fara baddan oo ka tarjumayey hidaheena iyo dhaqanka, sawiro iyo waliba buugaag aad u fara baddan oo ku qornaa luqadeena hooyo. Waxaa iyagana maanta barnaamijkaas si qurux baddan uga qeyb qaatay hay’adda Seylici oo ah hay’ad aad u ururisa kutubta Soomaalida. Runtii xafladda waxa ay kusoo gabgaboowday jawi aad u qurxoon iyadoo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara baddan oo kakala yimid daafaha magaalada Leicester.

Gudoomiyaha Hay’adda Sominfos cabdixakiim jaamac Jooje oo isagu xafladda soo gunaanaday ayaa waxa uu halkaas uga mahad celiyey dhammaan intii kala qeyb qaadatay in uu fulo barnaamijkan gaar ahaan Leicester City Council, Leicester United, SOCOPA, St Matthews Solution Centre, Aqoon Education Centre iyo Dhamac Travel Agency. Sidoo kale waxa ay aad ugu mahad celisay shaqsiyaadkii had iyo jeer la garab taagnaa taageerada in uu fulo barnaamijkan sida Fu’aad Saciim, Cabdirishiid Beeldaaje iyo Maxamed Dhalacade.

Sidoo kale hay’addu waxa ay mahad gaar ah u jeedisay Gandaal Media oo runtii noo fududeysay arimaha Mediaha. Mahad gaar ah waxaa loo soo jeediyay qoraayada inooga yimid magaalada London iyo meelaha fog fog.

Wabilaahi towfiiq

Maamulka Somali Advice
Information Service {SOMINFOS}

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online