Howlgal ciidan oo saaka ka dhacay magaalada Kismaayo oo dad badan lagu qabqabtay

November 1, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in magaalada ay saaka ku waabariisatay howlgalo ay samaynayaan ciidanka Raaskaambooni kuwa DFS iyo ciidanka dalka Kenya iyagoo bilaabay in ay baaraan xaafada kale duwan ee magaalada.

Ciidamadaan huwanta ah ayaa waxaa dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo ay soo sheegayaan in ay baarayaan guryaha iyo goobaha ganacsiga waxaan ay qab qabteen dad fara badan oo lagu xiray Saldhiga magaalada Kismaayo, howl gala ka dhacay saaka Kismaayo ayaa waxaa uu ku soo beegmaysaa xili gudaha magaalada ay ka dhaceen qaraxyo.

Sarkaal u hadlay Ciidanka huwanta  ah ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in ilaa 300, 00 qof oo looga shakisan yahay in ay qayb ka ahaayeen qaraxyada ka dhacay magaalada Kismaayo la xiray lana baari doona ka dibna cidii aan danbi lahayn la sii deyn doono  isagoo ku nuuxnuuxsaday in howl galka ay ka wadaan Kismaayo uu yahay mid ay amaanka magaalada ku sugayaan.

Dhinac kale dhamaan is gaarsiinta ka howl gasha magaalada Kismaayo ayaa hawada laga saaray arrinkaaas oo saamayn  weyn ku yeelatay goobaha waxbarashada iyo ganacsiga, ilaa hadda ma jiraan war cad oo ka soo baxay Taliska ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho oo iyagu qayb ka ah howl galka ka dhacay Kismaayo.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online