Is xasuusinta fadliga soomka maalinta Caashuuraa iyo sida loo Soomayo

November 22, 2012 - Written by

Alle ayaa Mahad oo dhan u sugnaatay, Waxaan maanta idiin soo gudbinayaan Maqaal diini ah oo ay na soo gaarsiiyeen Guddiga Taakulaynta Agoonta ,maqaalka ayaa waxaa lagu xasuusi nayaa bulshada Soomaaliyeed fadliga ay leedaha in la soomo Maalinta Caashuuraa.  Maalmaha fadliga badan uu allaah ku galadeestay adoomadiisa waxaa ka mid ah: maalinta caashuuraa oo ah tobanka bisha muxaram ama bisha sako

Fadliga soomka maalintaa :-

1. Abuu qataata R.C waxaa laga wariyay in “rasuulkeenii Muxamad ahaa SCW wuxuu yiri : (( Soomka maalinta caashuura waxaan allah ugu ajar doonanayaa in uu ku asturo ama ku dhaafo – danbiga – sanadii ka horeesay )) عن أبي قتادة رضي اللَّه عنه ، أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ” صيام يوم عاشوراء، أحتسب على اللَّه أن يكفر السنة التي قبلها ’’

2. Ibnu Cabaas wuxuu yiri : ((ma aanu arkin nabiga scw oo ku dadaalaya soomka maalin laga fadilay maalmaha kale .maalinta caashuuraa ma ahane ..))عن ابن عباس رضي الله عنهما قال :- “ما رأيت النبي صلى الله عليه وسلم  ” يتحرى صيام يوم فضله على غيره إلا هذا اليوم: يوم عاشوراء….”

3. .Nabigeenii Muxamad ahaa SCW markii uu madiina tegay wuxuu arkay yahuudii madiina daganeyd oo sooman markii la weydiiyay sababta ay u sooman yihiinna? waxay yiraahdeen :- waa maalintii uu ilaah reer banii israaiil ka badbaadiyay cadawgoodii ,nabiyullaahi Muuse na SCW uu soomay ((markaa ayuu Nabigeenu SCW yiri : anaa adinka Muuse idin kaga xaq badan nabigeenii waa uu soomay )) .

4. Nabigeenii Muxamad ahaa SCW wuxuu kaloo nafaray in aanu khilaafno yuhuuda oo aanu soomno labo maalmood caashuuraa iyo maalinta ka horeysa ama maalinta ka dambeysa .

5. Maalmaha la soomaya Caashuuraa .

a) Waxaa ugu fadli badan in la soomo saddax maalmood oo kala ah maalinta ( sagaalaad iyo tobonaad iyo kow iyo tobanaad ) .

b) Waxaa ku xiga xaga fadliga in soomaa maalinta sagaalaad iyo maalinta tobanaad .

c) Waxaa ku xiga in la sooma maalinta tobanaad caashuuraa oo qura .

6. Caashuuraa Haddii ay ku soo aado maalin jimca ah ama sabti mala soomayaa? Haa waa la soomayaa sida ay culumada muxaqiqiinta ah ay qabaan waxayna yiraahdeen ((soomka maalinta caashuuraa axaadiis ayaa ku soo aroortay oo khaas ka dhigaysa diidmadii caamka ahee\yd ee soomka maalinta jimcaha ama sabtiga in soon lagu gali yeelo aheyd ).

7. Caashuuraa sanadaan 1434H – 2012m waxay ku aadan tahay maalinta sabtiga ah taariikhduna tahay 10/01/1434h wafaaqsan 24/11/2012.

Ugu dambeentii walaalka muslimka ahaw wallaasha muslimadda ahay ka faaiidayso maalmahaan fadliga badan oo soom maalmaha Jimcaha ,Sabtiga ,Axadda waana sida ugu fadliga badan uguna sareysa , haddii kale jimcaha iyo sabtiga Ama Sabtiga iyo Axadda waana tan xigta xagga fadliga, haddii kale Sabtiga oo kaliya soom waxaana helaysaa ajarka caashuura yeesan kugu dhafiin soom la’aan waxaa dhici karta inaysan dib kuu soo marin fursadaa oo kale.. !!!

Allaah waxaan weydiisanaynaa inuu ina fahamsiiyo diinteena nagana dhigo kuwo ku dhaqma, kana faaiideesta maalinta Caashuuraa camal wanaagsan .

Waxaa diyaariyay Guddiga Taakulaynta Agoonta

Muqdisho- Somaaliya

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online