Kulan looga hadlay amaanka Gobolka Karkaar iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo Qardho ka dhacay

November 14, 2012 - Written by

Qardho:-Kulan balaaran oo looga hadlayey amaanka gobalka Karkaar ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Qardho waxaana kulanka ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan dowlladda Puntland oo ay ka mid yihiin  Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Deegaanka iyo duurjoogta C/qani Yuusuf Cade, wasiirudowlaha Sharciga ee madaxtooyad Puntland Col.Yuusuf Ahmed Khayr  iyo gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan.

Kulanka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Cuqaal iyo Nabadoono si weyn looga yaqaan gobalka Karkaar waxaana kulanka diirada lagu saaray xoojinta amaanka gobalka iyo sidii loogu faro adeygi lahaa Nabadgelyada ka jirta Gobalka Karkaar. Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka maanta ay wada qaateen wasiiro ka tirsan Puntland iyo Cuqaasha iyo waxgaradka Qardho waxaa uu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay  in kulanka looga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo amniga gobalka Karkaar iyo sidii loo xoojin lahaa wuxuuna sheegay in dhamaan la isla qaatay arinkaas.

Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in kulanka galabta ka dhacay Qardho sidoo kale looga hadlay diyaargarow iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo maalinta birito ah lagu wado in uu soo gaaro magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.

Halgan.net ayaa caawa xiriir la sameysay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar waxaana ay la hadlnay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Degmada Qardho isaga oo noo xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole la filayo in uu maalinta birito ah uu soo gaari doono Magaalada Qardho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online